Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday Xarunta KULMIYE shacbigana ugu baaqay inay Taageeraan Xisbigiisa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta booqday xarunta dhexe ee xisbul xaakimka KULMIYE ee Magaaladda Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland ahna aasaasihii xisbiga KULMIYE waxa xarunta dhexe ee xisbiga ku qaabilay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyeen Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbigaasi Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo xubo ka mid ah Hoggaanka xisbiga.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyay xaaladda xisbiga iyo u diyaar garowga doorashada, waxaanu tilmaamay in deegaamadda dalka oo dhan u xuleen xubno karti iyo waayo-aragnimo leh oo uu ku dooday inay hanan karaan maamulka dawladaha hoose ee wadanka.

Guddoomiyuhu waxa uu uga mahad celiyay Madaxweynaha socdaalka uu ku yimid xaruntii xisbigiisa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal kooban halkaasi ka soo jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo booqdo xaruntii xisbigii uu Guddoomiyaha iyo aasaasaha ka ahaa. Waxaanu madaxda Xisbiga uga mahad celiyay siday u qaabileen.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan soo siyaarto xarunta xisbiga Kulmiye, xafiiskana waa kii aan fadhiyi jiray, saaxiibkay Muusena sida uu ii soo dhaweeyay aadbaan ugu faraxsanahay.Khudbadayda qaranka ayaan u jeedin doonaa, laakiin aad-baan maanta ugu faraxsanahay inaan maanta xisbigaygii aan Madaxda u ahaa, odeyga u ahaa ee xisbul-xaakimka qaranka ah, waxaanan taageerayaashiisa iyo cid walba ugu baaqayaa inay taageero buuxda siiso xisbiga,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxa Madaxweynaha Booqashadiisan ku wehelinayay Marwadda koowaa d ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Waa Booqashaddii u horreysay ee Madaxweynuhu ku tago xaruntii xafiiskiisii hore, waxaanay ku soo beegantay laba maalmood ka hor xiliga ay dhacayso doorashadda Goleyaasha deegaanka oo noqonaysa doorashadii shanaad ee Somaliland ka dhacda, isla markaana ah doorashadii u horeysay laba sanadood iyo dheeraadkii ay xukuumadiisu xilka qaranka haysay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com