Komishanka Oo Shaaciyay In Dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka la Xayirayo Maalinta Codbixinta Doorashadda

Hargeysa (Somaliland.Org)- Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in la xayiray maalinta doorashadda deegaanka ee 28-ka bishan dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka mudada 14 saacadood ah.

Sidaana waxay Komishanku ku sheegeen qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Gudida doorashooyinka Md. Ciise Yuusuf Maxamed (XamarI), waxaanay u dhignayd sidan:-

“Waxaynu wada ogsoonnahay in Doorashad Golayaasha Deegaanka ee Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland loo dareeri doono Maalinta Arbacada ee 28ka November,2012.

Sidaasi darted,Komishanka Doorashooyinka Qaranku markuu arkay Qodobaka 27 aad ee Xeerka Doorshooyinka,Xeer.Lr.20-2/2005.

WAXA UU XAYIRAY MAALINTA DOORASHADA:

Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka Dawladda,Gaadiidka Dadweynaha,kan hay’adaha Caalamiga ah iyo Maxaliga,Gaadiidka Xisbiyada/Ururrada iyo kuwa Shirkadaha gaarka loo leeyahay,laga bilaabo 6da saac ee Subaxnimo illaa 8da Fiidnimo.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa