Jaamacadda Camuud Oo Ardaydeeda Ka Shaqaynaysa Doorashooyinka Ku Guubaabisay Cadaaladda

Boorame (Somaliland.Org)- Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacadda Camuud ee Dhinaca Maamulka Iyo Xisaabaadka Prof. Axmed Cabdilaahi Boqore ayaa fariin nabadgalyo u diray shacabka reer Somaliland gabi ahaanba waxana uu ku booriyay inay u codeeyaan si nabadgalyo ah, sidoo kale waxa uu la dardaarmay ardayda Jaamacadda ee ka hawlgalaysa doorashooyinka.

Prof. Boqore oo la hadlaya shacabka Somaliland waxa uu yidhi “ Waxa noo qabsoontay dimuquraadiyad curdin ah oo aan ka jirin dunida inteeda kale, waxa aan aad ugu bogaadinayaa shacabka sidii wanaagsanayd ee ay ololahii doorashooyinka u galeen, si la mid ah sidan, waxana ku guubaabinayaa gabi ahaanba shacabka inay u codeeyaan oo ay nabadgalyo iyo xasilooni ku qabsoonto codbixintu, hadii ay sidani dhacdo waxa ay caalamka tusaysaa gobanimadeena, waxana noogu xigaya wanaag, hadii kale waxa ay carqalad ku tahay waxwalba oo wanaag ah oo noo qabsoomay”.

Prof. Boqore waxa kale oo uu fariin u diray gabi ahaanba ardayda J/Camuud ee ka hawl galaysa doorashooyinka, waxana uu yidhi “ Waa la idiin han wayn yahay, waxa aad huwan tihiin magacii jaamacada iyo kii Somaliland, waxa aan idinku dardaarayaa cadaalad inaad ku hawl gashaan oo aan ka xaqsoortaan hawsha la idiin igmaday.

Jaamacadda Camuud ayaa waxa uga qayb galaya doorashooyinka inka badan 800 oo arday oo ka hawlgalaya gobolo kala duwan oo ay doorashooyinku ka dhacayaan.
Cabdalle Cali Yuusuf (Abucaaliyah)
Somaliland.Org/Boorame