Bisha Cas ee Imaaraadka laba kun oo Qoys oo degan Burco Iyo Buuhoodle

Burco (Somaliland.Org)-Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa deeq raashin ah waxa ay maanta gaadhsiiyeen in ka badan laba kun oo qoys oo ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Togdheer iyo Buuhoodle.

Deeqdan ayaa loogu tallo galay dadka danyarta ah ee ku nool goboladaasi.

Wakiilka hay’ada bisha Cas ee Imaaraadka Siciid Saalax Faarax oo isaga oo ku sugan magaalada Burco khadka telefoonka ugu waramayay Wakaalada Wararka ee Solna ayaa sheegay in raashinkan ay gaadhsiiyeen Tuulooyinka Harada Guba Taxil,Taalo Buur, Buuhoodle iyo Jiido kale waxa uu Masuulkani Xusay in raashinka ay qaybiyeen uu isugu jiray Sonkor,bariis,iyo Saliid isla markaana ay ka faa’iidaysteen laba kun iyo laba boqol oo qoys oo isugu jira dad xoolo dhaqato ah iyo kuwo danyar ah.

Wakiilka Hay’ada Bisha Case e Imaaraadku Mr Siciid Saalax Faarax waxa uu amaan u soo jeediyay Wasaarada Dibu dejinta Somaliland iyo Ciidamada Qaranka iyo Booliska oo kala qayb qaatay raashin qaybintan.

Todobaadkii Hore ayaa Hay’ada Bisha Case ee Imaaraadku Waxay deeq tan la mid ah u qaybisay dadka danyarta ah ee ku dhaqan Deegaamo ka tirsan Gobolada Awdal iyo Salal.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com