Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay xiliga La qeybinayo Darajooyinkii Ciidammadda Qalabka Sida

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa shaaca ka qaaday in 15-ka December 2012 ay dalka Itoobiya ka iman doonto darajadii ciidammadda qalabka sida ee Somaliland oo dhan.

Wasiirka Gaashaan-dhigu waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi maanta siiyay Weriye Xamse Cali Bul-Bul oo ku tirsan TV-ga qaranka.

“Darajadii Ciidammadda kala duwan ee dalka way soo dhammaatay waxa laga keenayaa dalka Itoobiya 15-ka Bisha December ee fooda inagu soo haysa. Wasaaradda Gaashaan-dhiga Itoobiya ayaanu u dirnay laba sarkaal oo soo qaadaya,”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaan-dhigu.

Md. Axmed Xaaji Cali (Cadami) waxa uu intaasi ku ladhay “Wasaaradda Gaashaan-dhiga Itoobiya ayaanu ka dalbanay inay inoo samayso darajooyinka Ciidammadeena oo dhamaystiran. Waxaana inoo samaysay Warshad ku taalla Itoobiya.”

“Qeybta Darajooyinkeena ciidammaddeenu waxay qaadan doontaa illaa 15-ka January 2013-ka. Waana hawl muhiim ah oo qaran ahaan aynu qabsanay oo mudnaanteeda leh,”ayuu intaas raaciyay.

Samaynta darajooyinka ciidammadda qalabka sidaa waxa uu ahaa mid ka mid ah balan-qaadyadii ugu cuslaa Madaxweyne Siilaanyo ku galay Ololihii doorashaddii deegaanka ee wadanka ka qabsoontay 26-kii Bishii June 2010-kii. Waxaanay tallaabadani kor u qaadaysaa Haybadda ciidammadda iyo dhismahooda.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com