“Xisbiyadda ayay ula Ekaan kartaa inay cod ku helayaan dhaleecaynta oo leh colaad ayaa dhacaysa”

Wasiir, Haddii Xisbiga KULMIYE soo bixi waayo Ma Aqbalaysaan Natiijadda?

“Uma baahnin (KULMIYE) ahaan ka shaqayno inaanu ururrada ama xisbiyada kale laciifino”

“KULMIYE Cod uu Boobo Uma Baahna, Balse Waxqabadka Xukuumadda ayuu ku soo baxayaa”

Hargaysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) ayaa waxba kama jiaan ku tilmaamay eedaymo ay dhawaan u jeedinayeen qaar ka mid ah ururrada siyaasaddu xisbiga tallada haya ee Kulmiye oo ay ku eedeeyeen inuu faganayaan musharaxiintooda deegaanka.

Waxaanu wasiirku intaa ku daray in xisbigooda Kulmiye aanu u baahnayn musharaxiin uu u yeedho iyo cod uu boobo, balse uu ku soo baxayo waxqabadka xukuumaddu hirgelisay.

Wasiir Geel-jire waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu xalay khadka Telefoonka ku siiyay Tifaftiraha Guud ee Wargeyska DAWAN Mr. Cumar Maxamed Faarax, waxa kale oo uu waraysigaasi kaga hadlay arrimo badan oo siyaasadda iyo wasaaradda kalluumaysigaba ku saabsan. Waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:-

S: Ugu horayn Wasiir waxaad nooga warantaa sannadkan sii galbanaya waxyaabihii ugu waa waynaa ee wasaaradaada u qabsoomay ?

J: Waxa noo qabsoomay waxaanu dhisanay xarun xafiis oo laba dabaq ah oo xukumaddeenu maal-galisay oo noqonaysa xarunta wasaaradda, tababarka shaqaalaha iyo kor u qaadida aqoontooda xeerar cusub sida xeer nidaamiyaha ay wasaaraddu ku shaqayso. mashruucii baanka adduunku hirgalay, tababarka kaluumaysatada, samaynta buugaagta caafimaadka ee kaluumaysatada.

waxa kale oo noo hirgalay joojinta maraakiibtii ajinabiga ahayd oo aanu ogaanay inay khayraadkeena iyo baddeena waxyeelayaan oo aanu mamnuucnay, waxa noo hirgalay inaanu muwaadiniinta ku qancinay inay shirkaddo kalluumaysi samaystaan oo hada kuwii ugu horeeyay la bilaabay oo ay soo iibsadeen qalabkii qaboojiyeyaasha iyo doonyihii oo xilligan aan kula hadlayo dekeda ku xidhan yihiin doonyo sida boqol boqol tan.

S: Wasiir qiimayntii xukuumaddu samaysay dhawaan ee lagu eegayay wasaaraddaha iyo hay’adaha dawladda wasaaraddaadu kaalintee ayay kaga jirtaa?

J: Wasaaraddaha lama tartansiinayn, laakiin qiimaynta guud ee siyaasadda xukuumadda waxay ka galaysaa wasaaraddaha wax soosaarka meel wanaagsan, imikana waxa la go’aamiyay wasaaraddaha wax-soosaarka oo kala ah Kalluumaysiga, Xoolaha, iyo Beeraha in min hal mashruuc loogu darro Miisaaniyadda.

S: Wasiir go’aankii aad ku joojiseen maraakiibtii shisheeye kalluumaysatada wadaniga ahi way ku diirsadeen sannadkan soo socda, go’aankaas ma sii jirayaa?

J: Horta mamnuucaa aanu ku joojinay gabi ahaan sidaas ayay ku maqnaanayaan inta caalamka wax kale iska bedelayaan ee ay soo baxayaan cilmi cusub oo lagu ilaaliyo ama lagula socdo. markaa horta kuwani soo noqon maayaan, kuwa ku kalluumaysta shabaagta caadiga ah iyo huugaga ee aan waxba xaalufina dhiirigalin mayno inta muwaadiniinta kalluumaysatada ahi noo korayaan ee ay dhaqaale ahaan meel sare gaadhayaan, haddii ay kalluumaysatadayadu nagu filaadaana umaba baahnin.

S: Wasiir wasaaraddaadu waxay ka mid tahay wasaaradda wax soosaarka leh, markaa sannadkan sii dhamaanaya dakhli intee leeg ayaad dalka u soo hoyseen oo aad maaliyada ku wareejiseen?

J: Horta dakhliga aanu soo xaraynaa wuxuu ka iman jiray maraakiibtaa aanu joojinay imika oo aynu telefoon ku wada hadlaynana tiradii guud ma hayo. laakiin way ka yar tahay intii nalaga filayay.

Sannadkii hore waxaanu soo xaraynay 3 bilyan oo Somaliland shilin ah, balse sannadkan way ka yar tahay.

shirkadaha dalka cashuurta laga qaadaana way yar tahay. Laakiin siyaasadda xukuumaddu qaadatay waxa weeye intaanay horta wasaaraddu wax soo saarin in horta iyada la dhiso. markaa sannadkan waxaa la isla qaatay in wasaaradda iyo kalluumaystadaba la dhiso intaa ka dib ayuu dhaqaalena imanayaa, ujeedaduna maaha inaynu doolar iyo sanaati yar yar faa’iidno, laakiin marka wasaaradda la dhiso ayay shaqo abuur samaynaysaa oo Tababaro iyo xirfad abuur samaynaysaa, markaa mustaqbalka horumarka dhaqaale ee dalka ayay wax wayn ku kordhinaysaa, laakiin doolar maanta oo kaliya qasnada dawladda ku dhacda waxba inooma qabanayo. Wasaaraduna horumarka dhaqaalaha dalka si guud ayay uga qayb qaadanaysaa.

S: Wasiir inkastoo Taliyaha ciidanka ilaalada xeebuhuna ka hadlay waxaad ka warantaa markabkii xeebta Saylac lagu arkay xaguuse ku dambeeyay?

J: Markabkaa intaanu ka war hayno wuxuu ka mid ahaa maraakiibta caalamiga ah ee ilaaliya biyaha baddaha Geeska Afrika ee la dagaalama budhcad baddeeda iyo argagixisada, ciidanka xeebuhuna anaga nama hoos yimaado ee wuxuu hoos tagaa wasaaradda arrimaha gudaha.

S: Wasiir, waxaa xisbigiina (KULMIYE) maalmihii ugu dambeeyay lagu eedaynayaa inuu xisbiyadii mucaaridka faganayo musharixiintoodii oo marba midi odhanayo waxaan u tanaasulay musharax KULMIYE ah arrintaa maxaa sabab u ah?
J: Arrintaasi maba jirto, anagu waxaanu nahay Xisbi weyn oo jira oo u badheedhay inuu ururro furo anagoo og in nalala tartamayo, markaanu aragnay in labadii urur ee kale ay daciifeen anagoo og dadka ururrada kale galayaa inay taageerayaashayada yihiin ayaanu u badheedhnay inaanu furno ururrada siyaasadda.

Anagoo fulinayna ballan-qaadkii xisbigu galay xilligii ololihii madaxtooyada. ta labaad xisbiga KULMIYE wuxuu soo sharaxay musharixiin uu ku kalsoon yahay kartidooda iyo aqoontooda oo siyaasadda xisbiga ku shaqayn doona, markaa uma baahnin, kamana shaqayno inaanu ururrada ama xisbiyada kale laciifino, mid aanu si gaar ah u neceb nahayna ma jiro, laakiin tartan ayaa lagu jiraa oo naga dhexeeya, laakiin dadka qaar way ula ekaan kartaa inay cod ku helayaan dhaleecaynta xisbiyada kale oo ay yidhaahaan qabyaalad ayaa jirta, colaad ayaa dhacaysa doorashadaa la carqaladaynayaa oo ay marba meel isku qaadaan.

Arrintaa waxa suurogal ah in musharixiin is-qiyaasay oo ku qancay inaanay soo baxayni ay madaxda ururradooda xeelad ahaan ku yidhaahdaan intaasoo lacaga ha nala isiiyo ama kulmiyaan galayaa.

S: Intii xukuumaddiinu xilka haysay waa doorashadii ugu horeysay ee dalka ka dhacda guddoomiyaha Ururka Ummada iyo xisbiga UCID-ba waxay in badan walaac ka muujiyeen siday doorashadu u qabsoomayso, waxaanay ka shaki qabaan in la boobayo maxaad ku shaki saaraysaan?
J: Horta hadalka in marka hore la iska yidhaa maaha. boobka ay sheegayaana komishan ayaynu leenahay qabanaya doorashadda oo inoo dhexdhexaad ah, komishan doorasho hore inaga soo saaray doorasho hore oo madaxtooyo oo intay madaxwayneyaal is-bedeleen ku guulaystay waliba doorashadani waxay kaga duwan tahay taa hore musharixiinteedaa badan oo nin waliba isagaa codkiisa ilaashanaya oo muraaqibiintiisa wata, waxaanan jeclayn in madaxdu markay hadlayaan wax kale oo dhaliishiisa wata ay ka hadlaan Kulmiyena uma baahna inuu cod boobo ee wuxuu codkiisa ku hanaynayaa wax qabadka xukuumaddiisa iyo barnaamijka waxqabad ee uu doonayo inuu dawladdaha hoosena ku hanto.

S: Wasiir doorashaa la galayaa wax kastaana way iska dhici karaan, markaa haddii xisbigiina Kulmiye dhaco ma aqbalaysaan muxuuse noqonayaa mustaqbalka dawladdu?

J: Horta habaar waa dibadda ayay Soomaalidu tidhaahdaa Kulmiyena wuu soo baxayaa insha allaahu. ta labaad Kulmiye wuxuu ka mid yahay 7-da urur ee u tartamaya doorashada, waxaanu saxeexay xeerka lagu galayo doorashada sidaas ayuu waliba Kulmiye yahay odaygoodii, waanu soo baxayaa waxaanan madaxda ururrada kale u soo jeedinayaa inay qorshahooda siyaasaddeed ku tartamaan oo ay iska daayaan, waxan oo balo sheeg ah iyo inay cid kale marba wax ka sheegaan.

S: Wasiir, waxaad sheegtay in xisbigiina Kulmiye soo baxayo yaad is leedahay way noqonayaan labada kale ee idin kula soo baxaya doorashada?

J: Horta anigu faaliye ma ihi qaybkana ALLAA garanaya aniguna waxaan ahay nin siyaasi ah oo waliba xukuumadda ka tirsan taana waa looga wanaagsan yahay nin xukuumadda ahi inuu wax mala awaal ah dadka u sheego, laakiin anagu kuwa soo baxa waanu la shaqaynaynaa.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com