Wefti Ka socda Guurtida oo olole wacyi-gelin ah ka bilaabay Gobolka Salel

Saylac (Somaliland.Org)- Wefti ka socda Golaha Guurtida Somaliland ayaa saaka waxa ay socdaal hawleed ku tageen Gobolka Salal waxana ay gaadheen Magaalada Saylac.

Weftiga guurtida oo hore u soo maray Gobolada Gebiley iyo Awdal ujeedadda socdaalkooduna la xidhiidho wacyigelin ku saabsan sidii ay Doorashada Golayaasha Deegaanku ugu qabsoomi lahayd qaab nabadgelyo oo xor iyo xalaal ah ayaa waxaa magaalada saylac ku soo dhoweeyey maamulka heer Gobol iyo Degmo iyo waxgarad ka tirsan dadweynaha deegaankaasi.

Weftiga guurtida ayaa isla maantaba waxa ay kulan balaadhan la yeesheen dhinacyada ku tartamaya doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolkaasi, waxana ay ku wargeliyeen sida ay lagama maarmaanka u tahay in doorashadu ku qabsoonto qaab deganaansho ku dheehan tahay oo tartan furan ah isla markaana laga fogaado wax kasta oo abuuri kara kalsooni darro.

Maamulka Gobolka iyo ka degmada Saylac oo ay weheliyaan Taliyayaasha ciidamada ee aaggaasi ayaa u balanqaaday weftiga guurtida inay awoodda saari doonaan amniga iyo kala dambaynta inta ay socoto doorashadu isla markaana laga duuli doono xeerarka amni iyo kuwa doorashooyin ee dalka u yaalla.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com