Tababarahii naadigga Chelsea Di Matteo oo la eryey

England, (Somaliland.org) Waxaa saacaddo yar ka hor la eryey tababarahii Naadigga Kubadda Cagta ee Chelsea Di Matteo. Ciyaar aad u xiiso badan ayaa xalay ay isku haleeleen labadda Naadi ee Jeventus Itlay iyo Chelsea England ciyaartaasi oo dadka kubadda xiiseeyaa ay si weyn isha ugu hayeen ama ula socdeenba.

Naadigga reer Egland ee Chelsea oo ay joogaan ciyaartooyo aad aduunka uga caanna ayaa naadigga reer Italy ee Jeventus ay u jiidheen sidda balka hadhuudhka, kadib markii qaybtii hore ee ciyaartu ay ku soo gabagabowdey hal gool oo ay Jeventuus leedahay iyo waxba kooxda Chelsea.

Qaybtii danbe ee ciyaarta markii laysugu soo laabtay oo tallo iyo tusaale naadi weliba hoolkiisa waxii hadal iyo dhiirigelin iyo khalad lays faray ayey ciyaartoygii labadda kooxood dib garoonka ugu soo laabteen. Hadaba Naadigga reer Italy ee Jeventuus ayaa geer horleh oo dhinaca ciyaar wanaagga sii gashaday, taasi oo keentay in laba gool oo kale lagu sii daro goolkii qaybtii hore ee ciyaartu ku dhamaatay. Naadigga Jeventuus ee reer Italy ayaa gebi ahaanba ciyaalla iskuul ka dhigay kooxda weyn ee reer England ee Chelsea oo ciyaartooy aad u qiimo badani ka buuxaan, dhowr ciyaar yahan oo ay ahayd in wakhti hore la soo geliyo ayaan u suurtoobin kooxda Chelsea, taasina waxay keentay in naadigaasi rajo aay u yar ka qabo inay gaadhaan wareegga labaad ee loo yaqaano Knock off.

Hadaba Tababare Di Matteo oo ciyaar xiliyeedkii hore u qaaday laba koob kooxdan Chelsea Football Club oo kala ahaa koobka ugu qiimaha badan ee Naadiyadda qaaradda yurub janbiyoonka iyo koobka labnaad ee dalkan England ee loo yaqaano FA ayaa shaqadiisii waayey oo waraaqda duca qabe oo galaysan loo dhiibey saaka ama saacaddo dhowra ka hor, kadib markii uu tuurta u ritey guuldaraddii xalay soo food saartay naadigga uu dagaal gelinaayey ee Chelsea, isla markaasina haysta kooban lagu loolamaayo ee qiimaha weyn ugu fadhiya Qaaradan yurub, koobkaasi oo ay haysato kooxdan Chelsea oo naadigga Jarmalkaa ee Bayer munikh ay ka fara maroojiyeen xili ciyaareedkii hore, isla garoonka naadigga Bayer ee dalka Jarmalka.