Khudbaddii Guddoomiyaha KULMIYE u jeediyay Taageereyaashooda Burco

Burco (Somaliland.Org)-guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay xisbigoodu in uu raali ka yahay natiijada doorashada golaha deegaanka waxkastoo ka soo baxa isla markaana waxa uu usoo jeediyay axsaabta kale ee Qaranka Somaliland in aaney hoos u eegin tartanka doorashada ee axsaabta ka dhexeeya.

Guddoomiyaha Kulmiye ayaa sidaasi ku sheegay qud-bad uu fagaaraha Khayriyadda magaalada Burco ugu jeediyay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer oo maanta soo gunaanaday banaanbaxoodii ololaha doorashada ee golaha deegaanka .

” Walaalayaal maanta ololahan aynu ku jiro iyo dhibta idin gaadhay ee dadkoo dhami ku jiraan aynu isla garano ,horta uma ololaynayno musharaxiinta oo kaliya in aynu soo saaro waa doorashadii shanaad ee Somaliland qabato ,caalamka oo ay u horeyso Jimcada quruumaha ka dhaxaysa iyo dawladaha caalamka oo dhan ayaynu ugu gar-naqsanaynaa in aynu nahay dal xor ah oo is maamulay ,oo aan cidina taageerin oo shan doorasho kaligii qabsaday ,taas oo aan ka suurtoobin dawladaha Afrika intooda badan ,markaa ogaada hawsha idin gaadhay walaalayaal waxa lagu dhisayaa guusha iyo qaranimada Somaliland oo caalamka ayanu kula garnaqsanaynaa ” Sidaasi waxa yidhi Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye intaasi ku daray isagoo ka hadlaaya arimaha Somaliya iyo masuuliyiinta Somaliland ka soo jeeda ee xilalka loo magacaabay .
” Nimanka Xamar isku doontay ,ee Kismaayo ka dhisila maamul ,ee Gaalkacayo u kala qaybsantahay ,ayaa waliba laga yaabaa in ay leeyihiin Somaliland ayaanu matalaynaa ,markaa Caalamka waxaanu u sheegaynaa waa gaf aanaan qaadan karin iyo gardaro ,waxaanan idiin sheegayaa Somaliland waa Qaran waanay tashatay .

Waxaan taa uga gudbayaa Somaliland xuduudkeeda way soo xidhanaysaa xadkii afrika oo dhami ku dhisnayd ee isticmaarkii ka tagay ee Dawladii Ingiriis 26-kii Juun ka tagtay Somaliland ilaahay mahadii xoogeeda ,cududeeda iyo ciidamadeeda ayaa soo xidhaaya xadkeeda nina looga habran-maayo ,hay’adaha caalamiga ah ee meelahaas la mar-mara Somaliland xad-baaney gaadhin waxaan leeyahay Somaliland way dhantahay ,doorashaduna Badhan iyo Dhahar ayay ka dhacaysaa ” Sidaasi ayuu markale yidhi Muuse Biixi waxaanu intaasi raaciyay oo uu hadalkiisa ku soo gunaanaday .

” Waxaan kale oo aan idiin sheegayaa Sedex Xisbi Qaran ayaa soo baxaaya 15-cisho ka bacdi ,kuwa kale-na may dhicin ee waa Somaliland oo qaranimadeedii muujisay ,xisbiga dhaca ee xisbi Qaran u gubi-waayana ceeb maaha ciyaar uun buu ka baxee garoonka wuu joogaaye barito ayuu ku soo noqonayaa markaa tartanka dhexdeena ah yaan lagu fogaanin hadaynu xisbiyo nahay iyo hadaynu musharaxiin nahay oo tartanka dhexdeena hoos loo eegin waayo ? waxaynu nahay dhalinyaro isku xaafad ah oo wada ilmaadeer ah oo Kubad wada ciyaaraysa maalin-ba cid-baa debeda qabanaysa oo nususaace ka dib-na way soo noqonayaan ,markaa walaalayaal waxaan idiin sheegayaa natiijada yaan loo qaadan wax weyn oo cidi ku dudo ,Kulmiye-na wixii soo baxaba raali ayuu ka yahay natiijada soo baxdana wuu ogolyahay waliba sacab ayuu u tumayaa dudina-maayo ” ayuu hadalkiisa kaga baxay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Enj. Xuseen Cabdi Ducaale ,Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer Sahal Aadan Maxamuud ,Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada waxaaney ku booriyeen taageerayaasha Kulmiye in ay nabad-gelyada ilaaliyaan isla markaana codkooda ku soo saaraan musharaxiinta Xisbiga ka sharaxan ee degmadda Burco u taagan .


Geesta kale Cabdilaahi Xasan Nuur Ibraahim iyo Nuux Maxamed Xuseen oo ka mid ah musharaxiinta Xisbiga Kulmiye ugu taageerada badan Degmadda Burco ayaa maanta Wacdaro ka muujiyay ololihii Xisbiga Kulmiye ee magaalada Burco kuwaasi oo fardo ku soo dhaweeyay hugaanka Xisbiga Kulmiye iyo waftigan la socday.

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco