Xukuumadda oo dhagax dhigtay mashaariic laga fulinayo Gobolka Sool

Laascaanood (Somaliland.Org)- Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax, Wasiirrada Ganacsiga iyo Ciyaaraha C/risaaq Khaliif Axmed iyo Cali Siciid Raygal iyo Mareeyaha hay’ada wadooyinka Cabdiwaaxid C/qaadir ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic ay xukuumadu ka fulisay gobolka Sool.

Weftigan uu hogaaminayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada iyo wasiirrada ganacsiga iyo ciyaaraha iyo mareeyaha hay’ada waddooyinka ayaa waxay xadhiga ka jareen buundada ku taalla Adhi Cadeeye taas oo ay dhawaanahan ay ka socotay dib u dhis, iyadoo ay halkaasi ay khudbado kale duwan ka soo jeediyeen mareeyaha hay’ada waddooyinka iyo waxgaradka maamulka deegaankaasi.

Sidoo kale waxa ay dhagax dhigeen garoonka kubada cagta ee Cabdi Bile Cabdi ee magaalada Laascaanood.

Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan dhagax dhigaynaa garoonkii kubada cagta ee dhallinyarada reer Sool ku ciyaari lahayd ee madaxweynuhu balan qaaday dawladihii hore waxa lagu yaqaanay inta ay meel dhagax dhigaan in dhagixii iska yaalo waligii oo dadku ku turunturoodo, laakin maalintaa la yidhaa waa la dhagax dhigay hawshaa way dhameeyaa siday siyaasadda xukuumadayadu tahay.”

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu sheegay garoonka ay dhagax dhigayaan uu madaxweynuhu balanqaaday, waxaanu yidhi “Waxa weeye madaxweynuhu ciyaarihii waa kii balan-qaaday garoonkan in la dhiso jaamacadiina way socotaa, iskuulka boodhinka ahaana waa la dhamaystirayaa. waxa lagu tartamayaa waa waxqabad.”

Mashaariicdan ayaa qeyb ka ah balan-qaadkii xukuumaddu ay hore u sheegtay inay ka fulin doonto gobolka Sool.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa