Xisbiga UCID iyo Banaan-bixiisii Magaaladda Burco

Burco (Somaliland.Org)- Taageerayaasha Xisbiga UCID ee magaalada Burco iyo musharaxiintooda golaha deegaanka ayaa maanta ololahoodii doorashadda wareega afraad ku soo bandhigay magaaladaas.

Kumanaan ka tirsan taageerayaasha Xisbiga Ucid ee magaalada Burco oo ay wehelinayeen madaxda sare ee xisbigaas ka tirsan ayaa soo afjaray ololahooda doorashadda golaha deegaanka oo galay wareegii afraad ee ugu dambeeyay, kuwaasoo si wayn isugu soo baxay fagaaraha khayiriyadda Burco, halkaasoo ay khudbado kala gadisan uga jeediyeen masuuliyiinta xisbigaas.

Xoghayaha arimaha gudaha ee Xisbiga Ucid Cabdi Maxamuud Saleebaan (Mingiste) oo ka mid ahaa masuuliyiintii Ucid ee fagaarahaas ka hadlay ayaa ugu baaqay taageerayaashooda gobolka Togdheer inay codkooda ku soo saaraan musharaxiinta Ucid ee u taagan golaha deegaanka Burco si uu xisbigu u guulaysto waxaanu yidhi.

“Dhamaan taageerayaasha Ucid sidaad la socotaan maanta waa maalintii inoogu dambaysay banaanbaxa ololaha doorashadda waxaanan idinku wargalinayaa ballanteenu inay noqoto maalinta codbixinta, maalintaana waxa la idiinka baahan yahay inaad fartiina ku ciil-baxdaan oo aad u hiilisaan xildhibaannada aad soo saaraysaan ,codkiinuna waxa uu xanbaarsan yahay dhawr wax, marka u horeysana waxaad soo saaraysaan xildhibaannadii degmadda Burco ee aad ku kalsoonaydeen, ta labaad waxaad soo saaraysaan oo aad u hiilinaysaan Xisbigii marka saddexaad-na waxaad u hiilinaysaan caddaaladii iyo daryeelkii xisbigeena lagu yaqaanay.

Waxaanu intaas ku daray oo uu sheegay taageerada xisbigooda inay mar-ba marka ka dambaysa ay sii xoogaysanayso.

Sidoo kale waxa iyana halkaas ka hadlay masuuliyiin kale oo ururkaas ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen Mustafe Ismaaciil, Axmed Nuur Shire iyo waliba madax-dhaqameed waxaanay dhamaantood ku wargeliyeen taageerayaashooda inay nabadgelyada ilaaliyaan, isla markaana codkooda isla garabtaagaan maalinta codbixinta musharaxiinta Xisbiga Ucid ee Degmadda Burco, kuwaasoo ay xuseen inay aqoon iyo daacad-nimo ku soo xuleen.

Dhinaca kale, taageerayaasha xisbiga Ucid iyo musharaxiintooda magaalada Boorama ayaa iyaguna isugu soo baxay fagaaraha beerta xorriyada ee magaaladaas.

Waxaana halkaas kala hadlay musharaxa madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga Ucid iyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas.

Musharaxa Madaxweynaha xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa isaguna taageerayaasha xisbigaas kala qaybgalay isu soo baxa ololaha doorashada deegaanka ee magaalada Ceerigaabo.

Sidoo kale, magaalooyinka Berbera, Gabiley iyo Oodweyne ayay isugu soo baxeen taageerayaasha xisbigaas, waxaana fagaarayaasha magaalooyinkaas kala hadlay musharaxiinta iyo masuuliyiinta xisbigaas.

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco