Wufuud Culus oo ku qul-qulaysa Bariga dhexe si loo xaliyo Dagaalka Isre’al iyo Falastiin

Barrigga Dhexe(Somaliland org: Diblamaasiyiinta ugu saraysa aduunka ayaa isku deyaaya siddii ay u dhamayn lahaayeen Xurgufta wiigga socotey ee Israa,iil iyo falastiin. Madaxweyne Barack Obama ayaa u diray wasiiradiisa Arimaha Dibadda gobolkaasi socdaal degdegga, sarkaalka Qaramadda Midoobey ugu sareeya ayaa isuguna Qaahira ku sugan ayaa dalbaday Xabad joojin degdegga.

Israa,iil iyo reer Gaza ayaa gacan ka hadal darani dhexmary oo ka dhigi kara in Israa,iil ay xagga dhulka dagaala ku qaaddo.

Reer Gaza oo aad u mugugaysan ayaa meydoodda aasanaayey oo isugu jira xamaas iyo dad shiciba oo Israa,iil ku laysay dagaalkan socda ee dhinaca duqaynta cirka, madaafiic rokodkaa ee laga soo tuuraayo Gaza oo argagax geliyey Israa,iil. Wadanka Masar xog-hayaha Ururka Qaramadda Midoobey Ban Ki-moon ayaa yidhi waa waajib in arintan la joojiyo, waxaa loo baahanyahay talaabooyin degdegga oo lagaga dheeraaddo in xaaladdu sii xumaato oo ay timaaddo hawl gal dhinaca dhulkaa, labadda dhinacba waa inay si deg degga xabadda u joojiyaan, xaaladdu haddii ay sii korodho Gobolka oo dhan ayaa khatar gelaaya ayuu u sheegay warbaahinta kala duwan

Wasiiradda Arimaha Dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa ku sii jeedda Barigga dhexe, iyaddoo ka soo jeedda dalka Cambodia, halkaasi oo ay u raacday madaxweyne Barack Obama booqashadiisii, waxaa lagu waddaa inay la kulanto Raysal wasaaraha Israa,iil Benjamin Netanyahu Jerusalem, madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas gudaha West Bank iyo hogaamiyayaasha Masar Qaahira.

Maraykanka ayaa Xamaas u aqoonsan inay boqolaal Yuhuudda ku dileen isqarxin iyo weeraro kale, oo ay yahiin koox argagixisaa, lamana kulmi doonto xukumadda Washington saraakiisha Xamaas. Maamulka Obama ayaa ku eedaynaaya Xamaas qaraxan ugu danbeeyey ee xasilooni daradda keenay, waxayna ku dareen in Israa,iil xaq ayey u leedahay inay is difaacdo, isla markaasina waxay xukumadda Washington waxay ka digtey in haddii weeraro dhulkaa ay Israa,iil qaaddo inay sii kordhinaysaa dhibta soo gaadhaysa dadka shacabkaa, dagaalkan waxaa labadda dhinacba dad ayaa ku dhintay, waxaanna ku dhaawacmay qaar kale oo badan, ilaa iyo markii dagaalku bilowday, waxaanna tiradda hoos u dhigay Israa,iil, habka difaaca gantaalaha ee Israa,iil oo Israa,iil ay ku hormarisay maal gelin maraykanka ay ka heleen.

In ka badan 1,000 oo gantaalaa ayaa lagu soo ridey Israa,iil wiigan ayey mulateriggu yidhi. Raysal Wasaaraha Israa,iil Benjamin Netanyahu ayaa yidhi waxuu eegayaa xal diblamaasiyadeed, laakiin waanu joojinaynaa at hawl mulateri oo balaadhan.

Source: MSN
Somaliland.org newsdesk