Nin Bam been ah oo silsilad uu ku soo xidhay Gabadh Qoorta u sudhay

Australia (Somaliland.Org)- Nin ustareeliyaanna oo shaqadiisu tahay bangiyadda iyo maalgelinta ayaa bom aan jirin intuu silsilad ku soo xidhay qoorta gabadh u sudhay ayaa lagu xukumay xabsi dhan 13 sanadood iyo badh.

Madeleine Pulver oo 18 jira ayaa gurigoodda wax ku dhiganaysey kelideed, markii nin alaabka uu soo jebiyey oo dabadeed qoorta u sudhay wax sidda bomka loo soo sameeyey oo silsiladi ku xidhantahay, duleedka sydney caasimadda Australia, bishii hore ee ogoosto, kadib markii Pual Peters oo wejigga xidhan uu gurigga khasab ku soo galay oo ku hubaysan looxa lagu ciyaaro ciyaarta Baseball, isla markaasina uu qoorta ugu guntay aalad bOM u eg iyo ogaysiis qolaara oo uu lacag uu ku dalbanaayo iyo meesha lagala soo xidhiidhaayo oo ah email ciwaankiis, dabadeed waxuu sii daayey oo iskaga tegey inantii oo aad u argagaxsan, waxay noqotay arintaasi hawl gal aad u daran oo qaadatay wejigga hore ee wararka caalamka oo dhan.

Waxay ku qaadatay kooxda Bomka furta ilaa 10 saacadood inay walaxdaasi xal u helaan ama qoorta inanta ka dejiyaan oo nolosheedda la badbaadiyo sidoo kale, walow aan wax qarxaaba meesha ku jirin, hadana waxay ahayd masuuliyad weyn oo xukumadda Australia ay si weyn ula tacaashey. Hadaba markii la xukumaayey ayuu xaakinkii xukumaayey Peter Zahra yidhi peters waxuu ku tallo galay inuu argagax geliyo dhibane da yar oo aan wax denbiya gelin, weyna dhiman gaadhey cabsi awgeed, dhibta ku dhacdayna maha mid la qeexi karo.

Xaakiinkii ayaa ku xukumay in ka yar 20 sanno, isaggoo qiray in wakhtigaasi uuna maskaxiyan caadi ahayn, laakiin denbigu ku cadyahay. Hadaba Peters oo 52 jira, markii uu gabadha walaxda ku xidhay ayuu u baxsaday Maraykan, laakiin ciidanka nabadgelyadda ayaa raad raacay emailo uu meesha ku dhaafay, xukumadda ayaa soo xirtay, waxaanna lagu soo celiyey Australia laba asbuuc kadib markii lagu soo qabtay guri ay leedahay, xaaskiisii hore Louisville Kentucky, halkaasi oo markii wadankkisa lagu soo celiyey lagu helay dhamaan denbiyaddii loo haystey.

Xaakinkii ku doodaayey ayaa sheegay in ninkani busaaradi ku dhacday oo reerkiisii iyo ciyaalkiisii ay kala tegeen, isla markaasina uu maskaxda ka jiranaa. Dhinaca kale Inantii oo saxaafadda la hadashay ayaa tidhi waxaan aad ugu faraxsanahay natiijadda maanta oo si dhaba u eegi doonno mustaqbalkayga, waxaanan ku faraxsanahay qiridda xaakinku qiray in aniga iyo reerkayagaba in wakhti adag oo naxdin lihi inuu na soo maray.

Source: MSN

Somaliland.org newsdesk