Hargeysa: Xisbiga UCID Oo dhoolo-tus balaadhan ku soo gunaanaday kaltankiisii Ololihii doorashadda Deegaanka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta soo gabo-gabeeyay ololahoodda doorashada Goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoomaysa 28-ka bishan. Waxaanay Kumanaan ka mid ah Taageereyaashoodu ay isku soo bax balaadhan ka dhigeen maanta fagaaraha beerta Xoriyadda ee caasimadda Hargeysa.


Sidoo kale, Taageereyaasha shanta degmo ee Hargeysa ee xisbiga UCID oo saaran gaadiid kala duwan, ayaa wareegayay jidadka iyo dariiqyadda magaalada Hargeysa, kuwaasi oo sitay sawirradda murashaxiinta xisbigaasi u soo sharaxay Golaha deegaanka Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe,oo khudbad u jeediyay taageereyaasha xisbigaasi ee magaaladda Hargeysa ayaa uga mahad celiyay taageeradooda, waxaanu ka dalbaday inay codkooda siiyaan murashaxiinta xisbigu u soo sharaxay oo uu ku sifeeyay qaar tayo leh oo wax ka qaban kara hawlaha dawladda Hoose ee Hargeysa.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay 5 murashax oo xisbiga UCID uga sharaxnaa magaaladda Burco, kuwaasi oo shalay is casilay, waxaanu ku dooday inaanay waxba u noqon doonin murashaxiintaasi oo uu ku tilmaamay xubno aan markii horeba damac lahayn oo hunguri waday.

Guddoomiyaha UCID waxa uu ku baaqay in la anshax mariyo xubnihii dawladda ka tirsanaa ee Gudida anshaxu ku baaqeen in tallaabo laga qaado.

Waxa kale oo isu soo baxan xisbiga UCID ka hadlay 25-ka murashax ee xisbigu u sharaxay Golaha Deegaanka Hargeysa, kuwaasi oo bulshadda u bandhigay waxyaabaha ay u qaban doonaan haddii ay ku soo baxaan Golaha deegaanka.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com