Murashax XAQSOOR Uga Sharaxnaa Boorame oo Is Casilay

Boorame (Somaliland.Org)- Murashax Faysal Maxamed Ciise oo ka mid ahaa 21 Murashax ee Urur siyaasadeedka XAQSOOR uga sharaxnaa degmada Boorame, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaaladda Boorame, ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay murashaxnimadiisii doorashada deegaanka.

Murrashaxaasi waxa uu sheegay inuu arrimo qoys darteed ugu tanaasulay Murashax ka tirsan xisbiga KULMIYE oo magaciisu yahay Maxamed Jaamac Haddi oo lambarka astaantiisu yahay 3015.

“Waxaan halkan ka caddaynayaa inaan ka hadhay oo ka tanaasulay murashaxnimadaydii xubinimadda Golaha Deegaanka Boorame ee Urur siyaasadeedka XAQSOOR. Waxaanan sidan u yeelay tallo beeleed,”ayuu yidhi Murashaxa tanaasulay
Murashax Faysal Maxamed Ciise, waxa uu tilmaamay inuu uga tanaasulay Maxamed Jaamac Haddi oo lambarka astaantiisu yahay 3015.

Waxaanu xusay in isaga iyo taageereyaashiisiiba ay ku biireen Xisbiga KULMIYE si ay u xoojiyaan murashaxaas.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com