Murashax Berbera Uga Sharaxnaa UMMADDA Oo Ka hadhay Tartanka Doorashadda Deegaanka

Berbera (Somaliland.Org)- Murashax Saleebaan Maxamed Seed oo ka mid ahaa Murashaxiinta Urur siyaasadeedka UMMADDA uga sharaxnaa degmadda Berbera, ayaa maanta daboolka ka qaaday inuu ka hadhay tartankii uu ugu jiray doorashada deegaanka, isla markaana uu u tanaasulay Murashax kale oo ay isku ardaa yihiin oo ka sharaxan Xisbiga KULMIYE.

“Markii aan la tashiyo badan la sameeyay beeshayda, waxaan go’aansaday inaan iska casilo murahsaxnimadaydii Golaha deegaanka Berbera. Si aan cududa taageereyaashayda ugu xoojiyo Murashax Mustafe Cabdilaahi Axmed oo ka sharaxan xisbiga tallada haya ee KULMIYE,”Murashax Saleebaan Maxamed Seed oo maanta Berbera ugu waramayay warbaahinta.

Murashaxan is casilay waxa uu taageereyaashiisii ugu baaqay inay codkooda siiyaan Murashaxa ay isku ardaaga yihiin ee ka sharaxan xisbiga tallada haya ee KULMIYE.

Murashaxani waa kii shanaad ee Ururka UMMADDA Iska casila labadii bilood ee la soo dhaafay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com