Magacyadda Shan Murashax oo Xisbiga UCID iskaga Casilay Burco & Dhaliilihii ay jeediyeen

Burco (Somaliland.Org)- Shan murashax oo ka mid ahaa murashaxiintii xisbiga UCID u soo sharaxay degmadda Burco, ayaa maanta shaaciyay inay is casileen kana hadheen tartanka doorashada goleyaasha deegaanka.

Murashaxiintan oo magacyadoodu kala yihiin Suldaan Axmed Maxamed, Cabdilaahi Aadan Abokor, Farxiya Cumar Yuusuf, Khadar Cali Cabdilaahi iyo Cabdi Axmed Shidde, waxay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Burco ay ku sheegeen inay tartanka doorashada deegaanka uga baxeen ka dib markii ay arkeen wada shaqayn la’aan jirta maamulka xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Murashaxiintaasi ma ay sheegeen xisbiga ay taageereyaashooda ku wareejiyeen, hase yeeshee waxay dhaliilo u soo jeediyeen xisbiga UCID oo ay ka tirsanaayeen.

Iscasilaadan ayaa ku soo beegan tahay iyadoo ay sideed maalmood oo kaliyi ka hadheen doorashada deegaanka oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto 28-ka Bishan November 2012. Waana doorashadii labaad ee deegaanka ee wadanka ka qabsoontay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com