Jawigii Dhoola-tuskii u dambeeyay Ee Ololaha Ururka UMMADDA iyo Fagaareyaasha dalka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Urur siyaasadeedka Ummada ayaa maanta ay u ahayd maalintii u danbaysay ee uu gobolada iyo degmooyinka dalka ka samaynayay tartanka ololaha doorashada Golayaasha Deegaanka.

Fagaaraha Beerta Xoriyada ee Caasimada Hargaysa ayaa waxaa isugu soo baxay Taageerayaal Tiro badan iyo Murashixiinta uga qayb qaadanaya doorashada Golaha Deegaanka waxaana halkaasi khudbado uga soo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Urur Siyaasadeedka Ummada C/rashiid Maxamed Cali isagoo mahadnaq balaadhan u soo jeediyay Taageerayaasha ururka oo muujiyay sida uu xusay cududooda,waxaanu ku adkeeyay in Maalinta doorashada ay Codkooda ugu hiiliyaan Urur Siyaasadeedka Ummada.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Xildhibaan Bukhaari oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada Iyo Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex Ee urur Siyaasadeedka Umadda Cabdiqani Salaf iyo Weliba Qaar ka mid ah Murashixiinta u taagan doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa.

Dhinaca kale Fagaaraha Khayriyada ee Nuura ee Magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa isugu soo baxay Taageerayaasha iyo Murashixiinta Urur Siyaasadeedka Ummada.

Geesta kale Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Ummada Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Ummada ee Magaalada Burco,waxa uu ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadgalyada dalka isla markaana ay codkooda siiyaan ururka Ummada.

Waxa kale oo banaan-baxyo noocan oo kale ah ay ku qabsadeen magaalooyinka Berbera, Ceerigaabo, Boorame iyo Laascaanood.

Somaliland.Org/Hargeysa