Xubno ka mid ah Hoggaanka Ururka DALSAN Oo maanta Ku Biiray XAQSOOR

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiye ku xigeenkii Labaad ee urur siyaasadeedka DALSAN Cabdiqaadir Ismaaciil Caraale oo ay weheliyeen Guddoomiyihii isku xidhka goboladda Axmed Ilmas, Ku Xigeenkii Xoghayaha Guud iyo xubno kale oo aad u tiro badan oo isugu jira golaha dhexe iyo guddidii fulinta urur siyaasadeedka DALSAN ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray ururka XAQSOOR.

Xaflad balaadhan oo Ururka XAQSOOR ku qaabilayay masuuliyiintan oo lagu qabtay Huteelka Star ee magaaladda Hargeysa.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mid ah gudida fulinta ee XAQSOOR oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay masuuliyiintan ku soo biiray ururkooda. Waxaanu tilmaamay inay tallo iyo tusaaleba ay ka qaadan doonaan gedi-socodka ururkaas.

Guddoomiye ku xigeenkii Labaad ee urur siyaasadeedka DALSAN Cabdiqaadir Ismaaciil Caraalle iyo Guddoomiyihii isku xidhka goboladda Axmed Ilmas, ayaa sheegay markii ay la tashi la sameeyeen taageereyaashoodii ay go’aansadeen inay ku biiraan ururka XAQSOOR oo ay ku majeerteen Hoggaan wanaagsan oo u qalma xisbi siyaasadeed.

Saraakiishani waxay balan qaadeen inay la shaqayn doonaan ururka XAQSOOR oo iyaga iyo taageereyaashoodiiba ku soo biireen.

Waxa kalena oo halkaasi ereyo mahad celin iyo soo dhawayn ah ka jeediyay Keyse Yuusuf oo ka mid ah madaxda ururka XAQSOOR.

Somaliland.Org/Hargeysa