Shir lagu darsayo Tiro-koob Lagu samaynayo dadweynaha Somaliland oo ka furmay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo uu weheliye Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi Md. Cabdirashiid Axmed Guuleed ayaa maanta furay shir hawleed sanadle ah oo lagu bilaabo raadinta xogtii lagu dejin lahaa qorshayaashii lagu hawlgeli lahaa sanadka fooda inagu soo haya ee 2013-ka.

Shir hawleedkan oo ay qabato wasaaradda qorshaynta Qaranku, sanadkanna loogu magac daray (Xaqiijinta Tirida Lab iyo Dheddiga Somaliland)) ayaa waxaa ka soo qayb galay ururada samafalka wadaniga ah iyo ururada kale ee diyaariya qorshe hawleedyada sanadlaha ah.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta ee JSL Dr Sacad Cali shire oo munaasabaddii furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in wax kasta oo la qabanayaa uu yahay wax la sii qorsheeyey si guul looga gaadho, taasina ay tahay sababta maanta oo kale 18 Nov sanad walba dib loogu eego halka la taagan yahay, meesha loo socdo, waqtiga la soconayo lana calaamadiyo hadaf cad oo la tiigsanayo.

Md Sacad waxa uu faahfaahin ka bixiyey raadinta xogta iyo dejinta qorshayaashu sida ay faa’iidada ugu leeyihiin bulsho doonaysa inay gaadho horumar dhinacyo kala duwan ahoo ay ugu horayso la dagaalanka faqriga iyo saboolnimada, waxana uu wasiirku sheegay in loo baahan yahay Somaliland inay yeelato tirakoob adweyne oo lagu ogaan karo dadka inta caruur ah ee waxbarasho ku jirta, inta bilaa camalka ah iyo inta noloshoodu hoosayso.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Qorshaynta qaranka Md. Cabdirashiid Axmed Guuleed ayaa ku shir hawleedkaasi kaga dhawaaqay in sanadkan shirka loogu magac daray ((sanadkii Tirakoobka Lab iyo Dheddiga Somaliland).

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com