Murashax Ururka RAYS uga Sharaxnaa Hargeysa oo Is Casilay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Murashax Maxamuud Cabdi Abuhurayra oo ka mid ahaa 25-ka Murashax ee Urur siyaasadeedka RAYS uga sharaxan magaaladda Hargeysa, ayaa si ka tanaasulay murashaxnimadiisa golaha deegaanka.

Sidaasna waxa galabta Saxaafadda u caddeeyay Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Rays ee gobolka Maroodi-jeex C/Risaaq Maxamed Ismaaciil (Kildhe) waxaanu shir jaraa’id oo uu ku qabtay xaruntooda Caasimadda ku sheegay in Murashax Maxamuud Cabdi Abuhurayra oo ka mid ahaa 25-kii xubnood ee ay u soo xuleen Golaha deegaanku uu maanta ku soo war-geliyay inuu ka tanaasulay oo uu ka hadhay tartankii uu ugu jiray xubinimada Golaha deegaanka.
Guddoomiyaha RAYS ee gobolka Hargeysa waxa uu ku eedeeyay xisbul xaakimka KULMIYE inuu cadaadis ku hayo oo uu ururkaasi murashaxiintooda oo uu ku qancinayo inay ka hadhaan tartanka doorashadda.

Mr. C/Risaaq Kildhe waxa uu ku dooday inaanu ururkoodu waxba u noqon doonin musharax iyo laba ka tanaasula doorashada deegaanka.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com