Murashax Taangiyo iyo Biyo ugu deeqay Qoysas degan yar ah oo Degan Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Murashax Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo ka mid ah 25-ka murrashax xisbiga KULMIYE u soo xulay Golaha deegaanka Hargeysa ayaa maanta saddex taangi iyo biyahoodii ugu deeqay saddexda xero ee bariga magaalada Hargeysa una dhow buurta Naaso Hablood.

Musharax Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo dadwaynaha xaafadahaasi la hadlaayay wuxuu yidhi “Markii ay ii yimaadeen Gudida ay leeyihiin saddexda xero ee Buurta Naasa Hablood waxay ii sheegeen in baahiyaha ugu daran ee imika ka jira, saddexda xero ay yihiin weel ay biyaha ku shubtaan ayaan ga’aansaday in aan saddexdaa taangi idiin keeno, soona arko xaaladiina run ahaan si wayn ayaa wax iiga badashay.”

Murashax Yuusuf Warsame waxa uu bulshada ku dhaqan xaafadahaasi ka dalbaday inay codkooda siiyaan, waxaanu u balan qaaday inuu wax badan u qaban doono haddii uu soo baxo.

“Waxaan idinku adkaynayaa inaad xasuusnaataan lambarka astaantayda oo ah 305,aniguna waxaan idiin balanqaadayaa inaan idiin hirgeliyo adeegyadda daruuriga ah ee aad u baahan tihiin,”ayuu yidhi Eng. Yuusuf Warsame.

Qaar ka mid aha dadka danyarta ah ee saddexdaa xero dagan oo iyana goobahaa taangiyada iyo biyahoodii loo dhigay ka hadlay ayaa u mahad celiyay Murashaxa deeqdan biyaha ah iyo Taagniyaddaba, waxaanay ILAAHAY uga baryeen inuu ku guulaysto doorashadda Golaha deegaanka ee uu u sharaxan yahay.

Somaliland.Org/Hargeysa