Wasaaradda Diinta ku baaqday ilaalinta nabad-gelyadda xiliga doorashadda

Hargeysa(Somaliland.Org)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diintiyo Aw-qaafta, ahna ku-simaha Wasiirka Wasaaraddaas Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed ayaa ummadda reer Somaliland ku hambalyeeyay munaasibadda sannadka cusub ee Islaamka.

Agaasimaha oo shalay u warramay maanta u waramayay Somaliland.Org, ayaa sidoo kale, farriin u diray Xisbiyada, Ururrada Siyaasadda eek u tartamaya doorashada goleyaasha deegaanka iyo shacabka Somaliland, isagoo ku booriyay inay ilaaliyaan nabadgelyada, isla markaana waxa uu dadweynaha ka codsaday inay si nabadgelyo ah u codeeyaan oo ay ilaaliyaan nidaamka xalaasha ah ee cod-bixinta oo ay ku celcelin codkooda.

Agaasimaha oo ugu horeyn ummadda ugu hambalyaynaya sannadka cusub ee Islaamka waxa uu yidhi. “Waxaan halkan hambalyo kal iyo lab ah uga dirayaa dhamaan ummadda Somaliland oo ugu horeeyo Madaxweynaha Somaliland, golihiisa wasiirrada, guddoomiyaha maxkamadda sare,dhamaan masuuliyiinta qaranka iyo shacabkaba, waxaan leeyahay Alle ha inagu gaadhsiiyo sannadkan sannadkiisa bash iyo bash barwaaqo sannadka cusub ee Islaamka 1434 Hijiriya ayaan idiinku hambalyaynayaa. Waxaanan bulshada ku boorinaynaa inay ku dhaqmaan taariikhda Higriyadda.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diintiyo iyo Aw-qaafta ahna ku-simaha Wasiirku, waxa farriin dardaaran ah u diray Xisbiyada iyo Ururrada tartamaya, isla markaana waxa uu shacabka ku booriyay inay ilaaliyaan nidaamka cod-bixinta. “Ummadda waxaan leeyahay Ololaha Doorashada Deegaanka in si nabadgelyo ah loo galo oo loo codeeyo oo rabshada iyo dhibaatada iyo wax alla wixii doorashada inaga xumaynaya la iska ilaaliyo oo aan xatooyo la samayn oo aan lagu noqnoqon oo qof waliba uu si nadiifo ah u codeeyo, wax alla wixii qish iyo tuugo ahina waa ku xaaraan diinta Islaamka,waxaanan leeyahay nabadgelyo ha inoogu dhameeyo ololahaa doorashada ee imika socda, waxaananu leenahay xisbiyada qaranka, ururrada iyo dadweynahaba ilaashada nabadgelyada.” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed waxa kale oo uu sheegay inay culimadda wasaaraddu ay shalay khudbadihii salaada Jimcaha ee masaajidada caasimadda Hargeysa iyo qaar ka mid ah gobolada dalka ay ku soo qaadeen mawaadiic la xidhiidha adkaynta nabad-gelyada ee xiliga ololaha doorashadda.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa