Taageereyaasha WADDANI Ee Burco oo Wacdarro ka dhigay xarumahooda

Burco(Somaliland.Org)-Taageerayaasha xildhibaan Maxamuud Cali Jaakuli ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Burco ,ah-na musharaxiinta ururka Wadani ee cusub degmaddaasi ayaa taageerayaashiisu wacdaro ka dhigeen magaalada Burco iyo tuulooyinka ku xeeran.

Musharaxan oo ka mid ah musharaxiinta ugu taageerada badan ururka Wadani Degmadda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa maanta taageerayaashiisu isugu soo baxeen xafiiskiisa magaalada Burco kuwaasi oo sitay boodhadh iyo maryo ay ku xardhanyihiin Sawiradda iyo lambarka codaynta musharaxani.

Xildhibaankan oo taageerayaashiisa oo aad u badnaa kula hadlay madashaasi ay isugu soo baxeen ayaa ujeediyay qudbad ka turjumaysa mashaariicihii ay fuliyeen golaha deegaanka Burco mudadii uu ka mid ka ahaa ,kuwaasi oo ay ka midyihiin wadooyin cusub oo Laamiyo ah ay gudaha Burco ka hirgaliyeen.

Sidoo kale musharax Maxamuud Cali Jaakuli ayaa u balan-qaaday taageerayaashiisa iyo dadweynaha reer Burco ,hadii ay marlabaad doortaan oo ay codkooda siiyaan in uu awooda saari-doono horumarinta adeegyada bulshada Burco ,qaybaha hadhsan ,waxaanu markii danbe u mahad-naqay taageerayaashiisa oo uu ku amaanay sida ay cududooda u muujiyeen.

Geesta kale ururka Wadani oo kaambaynka ololaha doorashadda golaha deegaanka maanta u lahaa ayaa taageerayaashiisu Wacdaro ka dhigeen magaalada Burco iyo nawaaxigeeda.

Mahad Faarax Cabdilaahi
Burco Somaliland.org