Garyaqaanka Guud oo jawaab ka bixiyay warbixinno ka soo baxay Guddida Anshaxa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa ka hadlay hab dhaqanka anshaxa olalaha doorashooyinka golaha deegaanka.

Garyaqaanka guud waxa uu markii u horaysay ka hadlay warbixino ay soo saareen gudida anshaxa doorashooyinka golaha deegaanka, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in gudida anshaxa doorashadu ay maraan nidaamka saxda ah oo ay warbixinada ay ka diyaariyaan khaladaadka asxaabta siyaasadda ay u gudbiyaan gudida doorashooyinka.

Garyaqaanka guud waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay u waramayay weriye Xamse Cali oo a tirsan Telefishanka Qaranka.

Garyaqaanka guud ee Somaliland waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo fuliyay xeerka ilaalinta hantida dawladda wakhtiga doorashooyinka, isla markaana waxa uu tilmaamay inuu dhaqan galay, waxaanu yidhi “ Wuu dhaqan galay wuxuu ku dhaqan galay dhaqangalka xeerarka waxa laga eegaa laba waa laga eegaa, marka uu madaxweynaha ka soo baxo in la fidiyay oo la gaadhsiiyay faafinta rasmiga ah way ku soo baxday, in la dhaqangaliyo oo loo hogaansanaado, waxaan filayaa inay u hogaansameen oo aanay jirin hanti dawladeed oo si cad loogu ololaynayo oo loo tafo xaytay in aanay jirin. Gaadiidkii dawlada waa la dhigay wasiirka hawlaha guud qoraal ayuu soo saaray in gaadiidka dawladda saacadaha shaqada wixii ka dambeeya aanay socon karin ama aanay dhaqdhaqaaq samayn karin, marka laga reebo kuwo iyagu og yihiin oo ogolaansho siiyeen mooyaane. Mana jiro gaadiidka dawladeed oo xisbiyadu ku ololaynayaan haddii ay dhacdo dhacdooyinkaasi hay’adaha ka masuulka ah ayaa laga rabaa iyagoo xeerka fulinaya iney ka qaadaan talaabooyinka ku haboon.”

Sidoo kale garyaqaanka guud waxa uu ka hadley hadalo ka soo yeedhay gudida anshaxa doorashooyinka, kuwaasi oo ku andacoodey in madaxweynuhu aanu awood u lahayn inuu talaabo ka qaado masuuliyiin ay ku eedeeyeen inay ku xadgudbeen, “talaabo wuu ka qaadi karaa shuruucda ayaa u banaynaysa cid waliba way og tahay inuu talaabo ka qaadi karo waxa la gudboon in habka sharciga ah u maraan. Isagaa magacaabay qof kasta oo madaxweynuhu magacaabay talaabo wuu ka qaadi karaa arrin muran gali karta maaha laakiin in dariiqeeda loo maro ayaa saxa”, ayuu yidhi garyaqaanka guud.

Garyaqaanka guud waxa uu baaq u diray gudida anshaxa doorashada deegaanka, waxaanu yidhi. “Gudida anshaxa waxaan leeyahay marka ay arkaan waxyaabo gef ah oo ay ula muuqato in aanay sidii saxda ahayd u socon, inay warbixino ka diyaariyaan ay u gudbiyaan hay’adaha ku shaqada leh sida gudida doorashooyinka u gudbiyaan si ay guddida doorashooyinku ay dhinacyadii ay khusaysay ay ula xidhiidhaan, wixii waa shaqo in eedaymo laysaga jeediyo waxa ka quman in hay’adaha saxda ah la maro.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com