Deel-qaafka Jamaal Muxuu Daaran Yahay? By Sacad Xarbi

Xilligan oo uu dalkeenu u tatamayo tartankii doorashada golaha deegaanada waxaa urur iyo xisbi kastaa u hanqal taagay in ololihiisa iyo cududiisa muujiyo si uu kama dambeysta ugu soo baxo saddex xisbi ee heer qaran ee dastuurkeeni jiddeyay.

Musharax kastaa iyo xisbi kastaa ama ururada waxay shacbiga marti uga yihiin inay si nabadgelyo ah codkooda ku weydiistan ololha doorashada la filayo inay dalka ka qabsoon ayaa maraya kaltankii saddexaad, waxaana maalmihii u danbeeyay mucjiso iyo amakaag noqotay hadal laaxin ah oo ka soo yeedhay siyaasiga ama aqoonyahankii murashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ka soo isagoo mar uu maalintii Arbacadi 13/11/2012 kaga khudbadeeyay in haddii xisbiga UCID u waayo kalsoonida iyo taageerada codka bulsahda ay dhici doonto wax uu ugu yeedhay dagaal sokeeye iyo khalkhal nabadgelyo.

Rayulcaamka intiisa badan ayaa mar kaliya argagax gelisay hadalkaasi aanu musharaxu u meel dayin oo ah mid daqiiqado yar gudahood lunisay taageero badan oo uu haystay ama filayayba xisbiga UCID sidoo kale uba hanweynayd siyaasigan musharaxa ku cusub.

Waa dhab ah oo markaad dib u raacdo taariikhda iyo sooyaalka raadraaceena musharaxani ama hogaanka cusub ee xisbiga UCID maaha mid fahmi karaa wacyiga dagaal sokeeye iyo afooyinka uu xambaarsan yahay doorashada iyo dhisida qarankeenan tacabka badani ku maqan yahay ee ku suntaan, naafaf, maal, dhiig curado halgan dheer oo ka qara weyn axsaab, ururo, kaasi oo inoo saamaxay inaynu gaadhno marxallada Jamaal maanta isaga dhawaaqo inan laladeyn haddii taa aan rabo lay yeeli waayo miyaan la odhan karin maaha hayin u diyaara inuu bulshada ka sugo mustaqbal hogaamineed waxaana taasi marag madoon ah hadalada xajiimaysan ee uu fagaaraha la soo fuulay, miyaanu Jamaal ogsoonayn in marxalladan xilligan lagu jiro. Muxuu warmoog ka yahay in dharaarihii iyo hanaankii loo soo dhisay gooni isu tagga qarankan oo ahayd mid culus oo waayaheeda lahayd xagguse ku ogyahay saansaanta colaadeed.

Waxaa haboon in Jamaal uu rabitaanka ummadda siyaasadiisa dhacsiiyo si uu ugu soo baxo tartanka doorashada deegaanka helana kalsoonidooda tusaalae ku filana u soo qaato gudoomiyihiisa xisbiga ee labada jeer ku guuldaraystay inuu ku soo baxo tartanadii kala dambeeyay, haddana ku ah Somaliand. Cisho ama maalin kaliyana gorgortan aan galin xasoolinadda iyo nabad doonanta bulshadiisa, waxaana nusqaan ah inuu ka hordhaco natiijadda iyo ku kalsoonaanta codadkiisa maaha dhawaaqani wax la sugayayba ama looga fadhiyayba aqoonyahankii.