Waxgaradka Murashax Nuux Maxamed Ku Bogaadiyey bilowga jid Laami ah oo uu bilaabay

Burco (Somaliland.Org)- Waxgaradka iyo Odayaasha deegaamada hoos yimaada Togdheer ayaa Murashax Nuux Maxmed Xuseen ku bogaadiyey Bilowga Wadada isku xidhi doonta Qoriyaale iyo Laamiga oo uu bixiyey Qaadhaanki ugu horeeyey.

Murashax Nuux Maxmed Xuseen oo ka mid ah Murashaxiinta ugu taageerada Badan Murrashaxiinta Golaha deegaanka uga sharraxan xisbiga KULMIYE oo muddadii ololuhu socdayba Olole laxaad leh ka waday Deegaamada hoos yimaada Gobolkani Togdheer ayaa Shalay safar kaga soo laabtay socdaalo siyaasadeed oo uu ku maray deegaamada GAADLE, SHAAXID, DANDAN, SHANSHACADE, TAALLA BUUR BALLI CALANLE, IYO QANDAHAAR.

Deegaamadan oo qaarkood ay hoos yimaadaan degmada Buuhoodle intooda badanina hoos yimaadaan Degmada Burco ayaa si weyn looga soo dhoweeyey Murashax Nuux Maxmed Xuseen iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo, waxaa murashaxa iyo weftigiisu kulamo la qaateen odayaasha iyo waxgaradka deegaamadaas.

Iyadoo tuulo kasta si ballaadhan looga soo dhoweeyey ayaa waxa uu murashaxu deegaamadas si weyn uga codsanayey codkooda iyo taageradooda, isagoo u ballaanqaadayey waxyaabo badan oo uu qaban doono deegaamadan oo wax qabadkii loo baahna ka helin dawladaha hoose iyo xildhibanadii deegaamadaas ka soo jeeday.

Odayaasha deegaamadan uu murashaxu bookhday waxay u ballanqaadeen inay is garab taagayaan codkoodana u hibeynayaan Murashax Nuux Maxmed Xuseen, iyagoo ku ammaanay sida kartida leh uu murashaxani ku gartay in deegaamadii uu ka soo jeeday uu talo iyo codsi ba kula noqdo, waxay cod dheer ku sheegeen inay taageersan yihiin codkana siinayaan, waxay sidoo kale odayaaasha deegaamadaas intooda badani uga mahadnaqeen Murashax Nuux Maxmed Xuseen Bilowga iyo bixinta qaadhaankii ugu horeeyey ee lagu dhisayo waddo laamiga iyo tuulada qoriyaale isku xidhi doonto oo murashaxu degmadaas ugu deeqay isla markaasna gacanta ka geliyey guddi hawsha waddadaas gacanta ku haysa oo deegaanku iska dhex xulay.

Waxay sheegeen waxgaradka deegaamadaasi in Murashax Nuux Maxmed Xuseen noqday murashaxii ugu horeeyey wax muuqda imminkaba sii bilaabay isla markaasna waxqabadkiisa muujiyey isaga oo aan weli ku guuleysan xilka uu isu taagay ee maanta u sharaxan yahay, taasina ay ka markhaati kacayso bay yidhaadeen sida uu xasuusan yahay mar walbana wax ugu qaban doono deegaamada uu ka soo jeedo iyo halkii dadka soo doortay ee reer Togdheer ay deganaayeen.

Gebogabadii Murashax Nuux Maxmed Xuseen ayaa intii ololahu socday noqonaya murashaxii ugu taageero Raadin ta badnaa isla markaasna kasbada taageerada deegaamada ugu badan ee degmadani Burco hoos yimaada waxaanu durba muujiyey waxqabadyo la taaban karo oo ay kow ka tahay waddada uu bilaabay ee isku xidhi doonta Qoriyaale iyo Laamiga.

Somaliland.Org/Hargeysa