Ummaddu hadal xun iyo xajiin midna uma baahna

Inkasta oo Doorashaddii Golaha deegaanka ay inaga xigto muddo laba asbuuc ka yar oo dhinacyadda kala duwan ee tartankani khuseeyaa ay dadaal iyo xamaan urursi weyn ugu jiraan siddii tartanka iyo orodka Siyaasiggaa ee fagaxdaa maalinta doorashadda loo qoondeeyey ee 28/11/2012 ay guulo wadaniyad iyo wadda-jir loo maray uga soo hoyn lahaayeen, si ay uga mid noqdaan sadexda Xisbi Qaran ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland yeelan doonno.

Hadana waxaa muuqanaysa ragga iyo ururadda aan u diyaar sanayn dagaalka Siyaasiggaa ee xorta iyo xalaashaa oo durba ay bilaabeen qaylo iyo inay ummadda reer Somaliland dhegaha ka wasakheeyaan oo afarta jaho u tuuraan been iyo borobagaanddo aan waxba ka jirin, taasi oo si rasmiya loogu hantaaqinaayo ama loogu khalkhal gelinaayo habsami u socodka hawlaha Siyaasiggaa ee dalka iyo doorashadda Golaha Deegaanka oo uu guul ka soo hoyn karo ninkii ama Ururkii ummadda kalsooni buuxda ka haysta ee xidhiidhka tooskaa idilkoodba shacab weynaha reer Somaliland la leh.

Waxaa muuqanaysa oo durba soo ifbaxday in ninkii qabyaalad iyo qudhun ku ololaynaayey uu shiikhay oo saxadda Siyaasadda Somaliland isagga iyo ururkiisiiba ka baxeen, runtii ayaa soo muuqatay oo shaadhkii libaaxu waxuu isu bedeley harag sagaaro, waxa cabaad iyo cay rag badan ka baxaysanna waxaa keentay runta ay ogyahiin ee biyo kama dhibcaankaa iyo sidda marnaba aanu ururkooddu uga mid noqon doonin kuwa ugu tunka weyn asxaabta meesha ku hirdamaysa.

Inkasta oo faaladanni ayna cid gaara farta ku fiiqayn oo ragga ugu bahalsan dhinaca mucaaridnimadda aanu fakir keliya oo Siyaasiya ku kala tagnay, laakiin muwaadinnimo, Somalilandnimo iyo Ixtiraam iyo asxaabnimo halkii noogu dabranyahay ayaa dhinac weliba abaabulka iyo ololaha Siyaasiggaa hayaan iyo baqool ugu jiraa siddii doorkiisa Xisbinimo u noqon lahaa mid ku guulaysta heerka Qaran ee maanta dagaalka iyo ololaha Siyaasiggaa loogu jiro oo ah ka gudbidda marxaladan maanta aan ku tartansanahay ee Golaha Deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xurmo, xarago iyo xariir ayuu rag doonayaa inuu guusha ku hanto oo Xisbigiisa ama Ururkiisu uga mid noqdo sadexda Xisbi Qaran ee u soo gudbi donna saxadda Siyaasadda ee asxaabta heer Qaran, halka qaar kalena ay keebka hayaan qori nin hore cabeeyey oo dhaawac, dhimasho, burbur iyo dhibaato dalkan iyo dadkan u horseedaaya, waanna kuwo ku taagan miino jelfisa oo cagta haddii ay ka qaadaan ay kacayso ama qarxayso, waxaanna iigu yara istaag ku yidhi qaar kale oo Siyaasadda iyo Xisbinimadda ugu soo horeeyey.

Waa ayaan-darro haddii ninka Siyaasigga sheeganayaa uu ku hawl geli kari waayo siyaasad cad iyo hadaf hufan oo caqligiisa ka soo maaxdda, kaasi oo dalka iyo dadka u horseedaaya horumar, barwaaqo iyo citiraaf weyn oo mihnadeenna iyo himiladeenna halka ay ku jihaysantahay iyo horumarka halka fiican ee maanta ragani keenay.

Sidda aad la socoteen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxuu kormeer iyo booqasho dhaba oo ujeedadiisu ahayd u kuur-geriladda xaaladda dhabtaa ee deegaanadaasi iyo weliba gaadhsiinta qorshayaasha dhabtaa ee Xukumadda u qorshaysan iyo mashaariicdda laga fulin doonno goboladaasi uu gaadhsiiyey dadka deeganadaasi uu soo maray idilkoodba, dabcan waa arin aad ay ugu riyaaqeen oo si weyn u soo dhoweeyeen dhamaan deegaanadda madaxweynahu booqday ee uu si dhaba ugaga xog waramay waxqabadkii xukumadda ee mudaddii koobnayd ee xilka ay haysey iyo waxyaabaha fiican ee la qabtay iyo weliba mashaariicda u qoondaysan xukumadda ee laga fulindoonno deegaanadaasi kala duwan oo tuunbadda waxqabadka xukumadda Axmed Siilaanyo afka u soo saaran.

Dabac inagoo og inay jiri karaan tabashooyin dhinaca deegaanaddaa iyo balanqaadyo xukumaddu samaysay oo aan weli fulin, laakiin la soo gaadhey wakhtiggii lagu fulin lahaa mashaariicdaasi oo ah kuwa dadaal badan iyo kharash balaadhan u baahan oo Xukumaddu aanay awoodi Karin inay faraha geliso maadaama aan markii hore loo hayn kharashkii dabooli lahaa ee bilow ilaa dhamaad lagu soo afjari lahaa fulinta mashruucaasi. Xukumadda waxaa ka go,an in cid walba halkeedda lagu qanciyo oo heesta geellu wey kala horaysaaye mashuuc kastaa darka waxuu ka gelayaa halka uu kagga beeganyahay ee awoodeedda dhaqaale aan awoodi karayno Xukumad ahaan.

Weynu ognahay oo Xukumadda Axmed Siilaanyo waxay oroday masaafad aad u weyn oo dhamaan wax weyn ka taray dib u dhiskii dalka iyo haykalkii dowladnimo oo nidaamkiisu maanta uu maraayo meel aad u fiican oo cid weliba muxaafid iyo mucaarid si dhaba ay uga markhaati kacayaan. Waxaa hanbalyo iyo bogaadin weyn mudan dhamaan hawl wadeenadda Qaranka Madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, Golaha wasiiradda, agaasimayaasha iyo qaybaha kala duwan ee madaxda Goboladda Jamhuuriyadda Somaliland oo run ahaantii aan wax loo dhigaa jirin hawlaha ay fuliyeen tan iyo 26/06/2011 markii hogaanka dalka uu ku guulaystey Xisbigga taladda haya ee Kulmiye, waxaanan leeyahay inyarbaa ka hadhee hinjiyaay hawlaha Qaranka iyo kuwa Xisbiga Kulmiye oo maanta aan qayb libaax in laga qaato u baahan.

Waxaan markale hanbalyo u dirayaa qurba joogga reer Somaliland ee maal, muruq iyo maskaxba u huray in si dhaba Qarankan loogu riddo dhabda, isla markaasi hiil iyo hooba la garab taagan dhaqaajintiisa iyo horumarkiisa oo dadaal weyn iyo abaabul culus dibadaha ka wadda markasta, qurba joogga reer Somaliland waxay xukumadda iyo hawlaheedda ku leeyahiin door balaadhan oo mahiima, waxayna xukumadda iyo hawlaheedda ka yahiin tiir bira oo aqoon iyo istaraajiyad cad oo dowladnimo raacaaya.

Heestan Xisbiga Kulmiye aan u tiriyeyna bal igula yara nasta, heesta waxaa la yiraahdaa (Kulmiyaha dhabtaayoow) waxaan curiyey 11/11/2012.

Waa halkii dharaartii
Dhexda aan u xidhanee
Dhalinyariyo waayeel
Inta aan dhaqaaqnay
Goolka aan ku dhalinee
Dhito aad u weyniyo
Dhaxal aan ku beeree
Dhankastaba dadkaygii
U dhamaaya maantee
Dhulka soor ka beeray

Dhaayahii qarankoow
Dhuuxiyo itaaloow
Kulmiyaha dhabtaahoow
Kuwa dhisaya noloshoow
Dhiiriya dadkeennoo
Dalku yaanu dheeliyin

Geesiyaddii dhabtaayoow
Kuwii seeska dhigayoow
Kulmiyana dhaqaajoow
Maantana ku dhaartoo
Dhereg aan abuuroo
Dhinac walba dalkeennaa
Dayac aan ka dhowroo
Dhibta aan u diidnoo
Dhurwaagana ka eegnee

Dhaayahii qarankoow
Dhuuxiyo itaaloow
Kulmiyaha dhabtaahoow
Kuwa dhisaya noloshoow
Dhiiriya dadkeennoo
Dalku yaanu dheeliyin

Cabdilahi John