Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shaaciyay in Kenya Xafiis ka furanayso Somaliland

Nairobi (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa ka waramay wakhtiga la filayo in ay dawladda Kenya caasimada Somaliland ee Hargeysa ka furato xafiis dublamaasiyadeed.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in bisha soo socota ee December ay iman doonaan Hargeysa masuuliyiin dalkaasi ka socota, iyaga oo hordhaca u noqon doona furashada ay dawladda Kenya ka furanayso magaalada Hargeysa Xafiis dublamaasiyadeed.

Wasiirka Arrimaha dibada oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta Kenya oo xalay u waramayay wargeyska Haatuf, ayaa waxa uu sidoo kale ka warbixiyey kulamo ay dublamaasiyiin shisheeye kula yeesheen dalka Kenya, waxaanu sheegay in kulamadaasi ay ahaayeen mid ay wadamada kala duwan dublamaasiyiinta ka socota kaga arinsanayeen xidhiidh ay Somaliland la samayso wadamadaasi.

Wasiirka Arrimaha dibada oo ka waramaya kulamo ay dublamaasiyiin kala duwan kula yeesheen Kenya waxa uu yidhi “Kulamada aanu Kenya kula yeelanay madaxda kala duwan waxa ay ahaayeen arrimo xaga nabadgelyada iyo siyaasada ah, waxaananu kulamadaasi la yeelanay madaxda EU-da, dublamaasiyiin shisheeye oo fadhigoodu yahay Nairobi, kuwaasi ay ka mid yihiin safiirka Mareykanka u fadhiya Nairobi, waxa kale oo aanu kulamo la yeelanay masuuliyiin ka socda wadamada Sweden, UK, Swizerland iyo Denmark oo aanu dhamaantood kala hadalnay arrimo khuseeye labada dhinac gaar ahaan amniga, anaga oo sidoo kale kulan la yeelanay masuuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibada Kenya.”

Wasiirka oo ka hadlaya wakhtiga ay dawladda Kenya ka furanayso Xafiis dublamaasiyadeed magaalada Hargeysa waxa uu yidhi “Bisha soo socota ee Decembar dalka waxa iman doona masuuliyiin ka socda dalka Kenya kuwaasi oo qaadi doona talaabadii u horeysay ee furashada xafiiska, laakiin siyaasad ahaan iyo go’aan ahaanba waxa la qaatay in xafiiskii Somaliland ee halkan (Nairobi) kor loo qaado”.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa isaga iyo Wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland waxa ay ku sugan yihiin Nairobi, iyaga oo ka qayb galaya shirar la xidhiidha dhinaca amaanka mandaqada Geeska Afrika.

Xigasho: WARGEYSKA HAATUF