Magacaabistii Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe Sadex aan wada socon: Qormadii: 23aad.

(Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group. E-mail: dawanchairman@gmail.com

Tan iyo maalintii ugu horeysay ee aan qallinka u qaatay in aan si taxane ah idiinku soo gudbiyo qormooyinkan fal-celiska u ah, qoraalada runta ka fog ee uu Boobe sida joogtada ah Wargeysyada ugu qorayey, waxaan idiinka sheekaynayey oo ay qoraaladaydu ku koobnaayeen ka waramida mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta iyo
Wacyigelinta, mudadii u dhaxaysay 19/3/12ka-4/9/12ka. Iyo weliba qaar ka mid ah waxyaabihii yaabka badnaa ee wasaarada ka dhacay mudadaas oo uu Boobe ka ahaa wasiir.

Maantase waxaan jeclaystay in aynu ka taalawno xuduuda u dhaxaysa labada wadan ee Somaliland iyo Ethiopia, si aynu socdaal kooban oo xaqiiqo raadis iyo tamashle ah ugu soo marno magaalooyinka Herar, Dirirdhaba iyo Addis-Ababa oo ka mid ah meelihii kala duwanaa ee ay xilligii halganka joogi jireen mujaahidiinta ururkii SNM.

Kuwaas oo aynu tegidooda uga dan leenahay in aynu ka soo ogaano, ama ka soo
helno xogo wax-ku-ool ah oo la xidhiidha kaalintii uu Boobe kaga jirey halgankii ururka SNM ee dib u xoraynta Somaliland, waxtar iyo waxyeelo midka ay ahayd. Hadaba markii aan sameeyey baadhitaano ku saabsan kaalintii uu Boobe kaga jirey halgankii SNM, ee aan waraystay mujaahidiin faro badan oo SNM ah, waxaa ii soo baxay waxyaabofaro badan oo ay ka mid tahay sheekada hoos ku xusani, waana tan sheekadaasi.

Boobe ma ahayn nin lagu yaqiin inuu ka hawlgalo furimaha dagaalka xiligii uu socday salgankii hubaysnaa ee SNM Sanadihii lagu jiray halgankii qadhaadhaa, Boobe wuxuu ku noolaan jiray magaalooyinka Addis-Ababa iyo Diri-Dhaba. Marka uu ugu soo dhowaado wuxuu soo gaadhi jiray magaalada Jig jiga oo guri laga siiyey. Marka kaliya ee
la arki jiray Boobe isaga oo qabanaya shaqo ay SNM leedahay waxay ahayd xiliyada uu ururku shirarkiisa qabsanayo oo keliya. Taasina waa sababta ay had iyo jeer Boobe marka uu wax ka qorayo taariikhda halgankii SNM sheekooyinkiisa oo dhami u noqdaan kuwo aan dhaafsiisnayn shirweyneyaashii ururka ama kalfadhiyadii golaha dhexe iyo guddida fulinta. Kuwaas oo uu qudhoodana uga hadlo ama uga waramo kolba sida uu isagu oo keliya.

Boobe maadaama aanu tegi jirin jiidaha hore ee dagaalka, oo ahaa meelahii ugu muhiimsanaa ee uu ka socday halgankii hubaysnaa mujaahidiinta SNM, wuxuu had iyo jeer shaki xoog leh ka qabi jirey in ay dadku u aqoonsan yihiin “Mujaahid” iyo in kale.

Sidoo kalena maadaama ay Boobe waxbarashadiisu ahayd mid ku kooban dugsi sare , oo aanu wax jaamacad ah ka bixin, waxaa cuqdad nafsi aan weligiiba ka hadhin ku noqotay shahaado jaamacadeed la’aantii haysatay, arintaasina waa sababta uu ilaa maanta u jecelyahay ka qaybgalka Seminaarada yar yar ee marka ay dhamaadaan lagu bixiyo
shahaadooyinka ka qaybgalka (Certificate of participation).

Hadaba aynu halgankii ku soo nqono’e, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qiso dhab ah oo SNM dhexdeeda ka dhacday xiligii halganka ee dagaalka lagu jiray, taasoo ah qiso ku saabsan xidhiidh lagu hagardaamaynayey ururkii SNM oo magaalooyinka Herer iyo Addis Ababa ku dhex maray Boobe iyo sirdoonka Liibiya: Shirweynihii ururka SNM ee badhtamihii 1983-kii lagu qabtay magaalada Herer markii uu dhamaaday ayaa waxa dhacday in xubno faro-ku-tiris ah oo uurka ka tirsanaa ay bilaabeen inay xidhiidh qarsoodi ah la yeeshaan Safaaraddii dalka Liibiya u fadhiday caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa.

Xidhiidhkaas oo ahaa mid uu soo abaabulay ninka la yidhaahdo Boobe Yuusuf Ducaale waxa ay ujeedadiisa gaabani ahayd sidii ay Liibiya ururka SNM ugu dhex yeelan lahayd ashkhaas danahooda u fulisa oo ku xidhan Sirdoonka Liibiya. Halka ay ujeedadiisa fogina ahayd sidii ay SNM ugu dhex milmi lahayd ururkii SSDF ee uu hogaaminayey Colonel Cabdilaahi Yuusuf oo laftiisu ahaa nin Camiil u ahaa, isla markaana ka
amar qaadanayey kalidii taliyihii Liibiya ee Mucamar Al-Qaddaafi.

Jabhadda SSDF oo lagu dhawaaqay dabayaaqadii sideetamaadkii waxay taliska Liibiya ka heli jirtay taakulayn laxaad leh oo isagu jirta hub fudud iyo mid culusba, saad, rasaas iyo Lacag cadaan ah oo toos loo siiyoa, halka SNM oo la aasaasay horaantii 1981 ay ku dagaalami jirtay dhaqaalaha iyo qoryaha fudud ee ay taageerayaasheedu siiyaan iyo hubka Taknikada ah ee ay ka qabsato ciidamada Siyaad Barre ee ay dagaalka kula jirtay oo keliya.

Cabdilaahi Yuusuf muu jeclayn in ay jabhado kale oo Soomaali ahi saaxadda ku soo biirto, taas darteedna waxa uu sanadkii 1982-kii bilaabay olole uu kaga hortegayo in Itoobiya ay SNM u ogolaato inay saldhigyo ka samaysato xadka u dhexeeyeya labada dal. Waxa kale oo uu Cabdilaahi Yuusuf aad isugu hawlay in ay Liibiya culays diblomaasiyadeed ku saarto dawladii Itoobiya sidii ay SNM ugu qancinlahayd inay la midowdo SSDF.

Hase yeeshee dadaalkaa weyn ee uu Cabdilaahi Yuusuf u galay arinkani muu noqon mid guulaysta sababtoo ah hogaanka iyo taageeroyaasha SNM ayaa ma rwalba ka soo horjeeday wax midow ah oo dhex mara ururkooda iyo jabhadii Cabdilaahi Yuusuf. Arintaasina waxay gaadhay in dabayaaqadii 1982-kii uu Mucamar Al-Qadaafi laftiisu martiqaad u soo fidiyo Madaxdii ururka SNM inay ku soo booqdaan dalkiisa si ay u wada hadlaan.

Waftiga SNM ee Liibiya tagay waxa hogaaminayey gudoomiyhii ururka SNM ee xiligaa Marxuum Sheekh Yuusuf Cali Guray Sheekh Madar, waxaana xubnaha wefdigaasi ka mid ahaa xoghayihii guud ee ururka marxuum Axmed Ismaaciil (Dukhsi), Cabdisalaan Yaasiin, Xasan Ciise Jaamac, Ciise Curaagte, Cabdirisaaq Caqli, Maxamuud Xaaji Jaamac (Dable), Cabdi
Ibraahim (Jaale-diid). Nimankaasi dhamaantood waxay ahaayeen rag ku wadh-wadhay luqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga qaarkoodna waxaabay ku hadli jireen 4 ilaa 5
Af oo qalaad.

Markii ay la kulmeen Qaddaafi ayuu kalidii-taliyihii Liibiya oo si xad-dhaaf ah u kibrisanaa wafdigii SNM-ta ku yidhi waxaanu maqalnay inaad gooni goosad tihiin oo ku xidhantihiin dawladaha carabta ee dib-u-socodka ah sida Sucuudiga oo ay lacag idin siiyaan, taas oo ah sababta aad u diidan tihiin inaad la midowdaan SSDF.

La soco……………………………….