Madaxeynaha Somaliland Oo dib ugu soo laabtay Hargeysa

Jaamacadda Camuud Oo ku maamuustay Shahaadada PHD-da

Hargeysa (Somalilad.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud( (Siilaanyo) ayaa galabta ku soo laabtay caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu socdaal shaqo oo qaatay muddo laba maalmood ah uu ku tagay magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorame.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu saaka booqdayXarumo kala duwan oo ku yaalla magaalada Boorame waxaana madaxweynaha Shahaadada P H D lagu gudoonsiiyay hoolka jaamacada cammuud.


.
Gudoomiye ku xigeenka jaamacada Cammuud Axmed Cabdilaahi ayaa shaahdada PHD-da ee dhaqaalaha ku gudoonsiiyay hoolka jaamacada Cammuud.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa munaasibadan lagu gudoon siinayay PHD-da ka soo qayb galay madaxdii iyo Wasiirradii ku wehelisay socdaalkan.

Gudoomiye ku xigeenka jaamcada Camuud Axmed Cabdilaahi ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay sida uu uga war hayo xaaladaha kala duwan ee jaamacada iyo sida uu horimarinteeda uga qaybqaato.
Wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo madashaasi ka hadashay ayaa maamulka jaamacadda uga mahad celisay soo dhaweyntii ay u sameeyeen madaxweynaha iyo shahaadada sare ee ay gudoonsiiyeen. Wasiirku waxay balan qaaday inay wixii karaankooda ah la qabanayso jaamacada Camuud.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa shahaadadan PHD-da ee dhinaca dhaqaalaha ku mutaystay aqoon sare oo uu ku soo qaatay jaamacadaha aduunka

Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa munaasabadii ka dhacday Jaamacadda Cammuud waxa uu ka sheegay in Madaxweynaha JSL uu ku amray wasaaradda Maaliyadda inay sida ugu dhakhsaha badan u bixiso kharashka looga baahan yahay dhamaystirka wadada isku xidha magaalooyinka Dila iyo Booranme wadadaas oo cabirkeedu dhan yahay lix Km.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md Cali Xaamud Jibriil ayaa munaasabadaasi isna ka sheegay in ka dib markii gogoshii fadhiga ahayd ee magaalada Boorame ay ku wada hadleen Weftiga madaxweynaha iyo xildhibaanadii ka soo jeeday Gobolka Awdal ee dhowaan ka hadlay in saami qaybsi kaga maqan yahay xukuumadda lana xisaabtamay ay xildhibaanadaasi xaal iyo raali gelin siiyeen Madaxweynaha iyo xukuumadiisa isla markaana ay ballanqaadeen inay raalli ku noqonayaan hanaanka ay xukuumaddu ku socoto iyo saamiga ay ka heleena.

Somaliland.Org/Hargeysa