Dadweynaha Gabiley oo si xamaasad leh u soo dhaweeyay Madaxweyne Siilaanyo

Madaxeynaha oo Dhagax dhigay dhismaha Jidka Isku xidha Kala Baydh iyo Wajaalle

Gabiley (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Gabiley, halkaasi oo kumanaan qof ay kaga horyimaadeen duleedka degmadda Kala-baydh ka dib markii uu madaxweynuhu galabta ka soo laabtay socdaal laba maalmood qaatay oo uu ku tagay magaaladda Boorame.

Weftiga madaxweynaha waxa halkaasi ku qaabilay Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timocad), Badhasaabka Gobolka Gabiley, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Gabiley,

Madaxweynuhu waxa uu galabta dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo 18km ah oo isku xidhaysa degmooyinka Kala-baydh iyo Wajaalle ee gobolka Gabiley.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay halkaasi ayaa dadweynaha reer Gabiley uga mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu tilmaamay in xukuumadiisu wixii awoodeeda ah aanay waxba kala hadhi doonin horumarinta adeegyada bulshada ee gobolka Gabiley.

Dadweynuhu waxay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen “Soo dhawoow Madaxweyne, Guulayso Madaxweyne iyo ereyo kale oo macno ahaan kuwaasi la mid ah.


Madaxweynaha iyo weftigii uu Hoggaaminayay waxay qadar socod ku dhex mareen jidka badhtamaha Magaalada waxaanu u gacan haadinayay oo uu salaamayay dadweynihii Gabilay ugu soo dhaweeyay sida xamaasadda leh.

Madaxweynuhu waxa uu galabtaba u soo dhaafay Gabilay dhinaca caasimadda Hargeysa oo uu galabta soo gaadhay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com