WADDANI Oo Xaflad Soo Dhawayn Ah u Sameeyey Ururkii JAMHUURIGA Oo Ku soo biiray

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ururka WADDANI ayaa maanta Xaflad Soo dhawayn ah u sameeyey Masuuliyiintii Urur Siyaasadeedkii JAMHUURIGA ee hore ugu hadhay kala reebistii Shuruudihii ay Guddiga Diiwaangelinta ururada Siyaasada ku kala reebeen halka qaarna u soo baxeen tartanka Doorashada Golayaasha Deegaanka ee lagu wado dhamaadka bishani in ay ka dhacaan guud ahaanba gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Munaasibadani oo ay goob jooog ahaayeen Masuuliyiinta ugu saraysa ee Ururka Isbahaysiga WADDANI iyo Masuuliyiintii iyo taageerayaashii Ururka JAMHUURIGA ayaa waxaa ay ka dhacday Xoolka Xafladaha ee Xarunta Ururka WADDANI.

Waxaana ugu horayn ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ka mida Madaxda ugu saraysa ee Ururka WADDANI oo dadkii madashaasi isugu yimi ka soo jeediyey hadal waano ah “walayaal nimcooyinka ilaahay in siiyey waa islaamnimda aduunyadu waa maalmo waana laga tegeyaa waana in aynu walaalayaal ilaahay ka cabsono waxaaynu nahay dad muslimiin ah oo waliba ilaahay gaalo inaguma dhex beerin walaalayaala waxaa aynu ku jira bahal siyaasada oo dhib badan marka ilaahay waxaa aynu ka baryeynaa in uu Islaamnimada inaga Sugo dad ayeynu doonanaa in aan madax u noqono marka hore khayrka iyo wanaagu waa in uu inaga inaga muuqdo si aynu iyagana wax ugu qabano”

Waxaa kale oo isna goobtaasi soo dhawaynta ahayd ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka HAMHUURIGA Farxaan Siciid Khaliiif waxaana ereyadiisi ka mid ahaa “waxaan Maanta cadaynayaa in aanu ku biiray Ururka WADDANI meelkasta oo aanu u sahan taganay meelo badan soo marnay wax badan aanu ragrognay meelo badan ka eegnay waxaanu gob,aansanay in aanu ku biirnay Urur Siyaasadeedka WADDANI go,aankayaga cid ka daba hadli kartaana ma jito”

Waxa kale isna gaabtani ka hadlay Afhayeenka Uruka Jamhuuriga waxaan hadalkiisii ka mid ahaa sidatan “ waa go,aanu aanu qaadanay weeyaan in aanu ku biirno Ururka WADDANI ila markii ururadu bilaabmeen wadani waanu wada soconay go,aankayaga iyo sahankayaga marka aanu meel walba eegnay waxaanu ku biirnay Wadani Ururka Jamuuriga waxaa uu ahaa Sadex urur oo midoobay iminka Laga bilaabo waxaanu la howl gelayana Ururka WADDANI”

Boqor Muxumud Geele Seed oo ka mid ahaa Masuuliyiinta ku Soo biiray bahwaynta WADDANI ayaa isna halkaasi ka hadlay “ Ururka JAMHUURIGU Waxaa uu ka kooba Dhowr Oo Ka Mid Yihiin DAMAL ,NUUR ,Ururka WADANI waxaanu ku soo raacnay maaha Qabiil ee waxaanu ku soo raacnay Qoomiyad nimo anigu ma ihi Siyaasi ee Madax Dhaqameed ayaan ahay maantana waxaanu joogna xaruntiisa dhowr urur ayaan galay laakiin waxaan cadaynayaa Maanta Ururkii JAMHUURIGU yar iyo wayn waxaanu nahay WADDANI ,markaa markaanu eegnay kala dambayntooda iyo wada shaqayntooda wanaagsan markaa manta waanu ku biiray waxaan idinku dardarayaa oo aan gudoomiyaha ku raga ku xiga ku dardaarayaa in lays ogolaado oo kugsiga laysu haneeyo Udub waxay ku baa,baday waxaa weeyaan wada kursi doon ayey noqotay taasi ayaa keenta burburkeeada markaa ilahay waxaan ka baryayaa in uu WADDAN I Ururkii Jira uu noqdo.”

Afhayeenka Ururka WADDANI Ahna Maayir Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa ayaa isna Munaasibadani soo dhawaynta ah ka hadlay Maxamed Cabdilaahi Uurcade waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Maan a dadkii Galbeedka waxaa y ku soo biireen Ururka WADDANI walalayaal waxaanu idiin sheegeyaa in Ururkani WADDANI waxaa weeyaan mid ay dadku u siman yihiin waliba Somaliland oo dhami way ku dhan tahay ilaa saylac ilaa laasqoray ,waxaanu ururkani caanku ku yahay mid aan caytami oo aan aflagaado gaysani oo doonayaa in uu dalku u guuro horumar iyo cadaalada Somaliladn dalka xaga nabad gelyada waa boqolkiiba boqol waxaanan dadka reer wadani waxaan ugu baaqayaa in la ilaaliyo nabad geliyada “Hida Maxamed oo ka mid Gudoomiye ku xigeenada Ururka WADDANI oo dhamaan dadka jecel Horumarka iyo wax qabadka dhabta ah in ay taageeraaan Ururka WADDANI.

Uga Dambayntiina Waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada Somaliland Ahna Hogaamiyaha Ururka WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro) oo halkaasi ka soo jeedeyey hadalo isugu jira soo dhawayn iyo dardaaran uu u jeediyey dhamaanba shacabka Somaliland.


“maaanta waxaa farxad noo ah in Ururka WADDANI uu ku soo biiray Urur Siyaasadeedkii JAMHUURIGA iskuma cusbin waxanu ahaa kii ugu horeeyey ee wada hadalna dhexmaray balse manta ayey dhacday midowgu labada Cududood markaa beryahan dambe awooda Isbahaysiga WADDANI waxaa ka qaylinayey Awoodada ay mideeyeen waxaanu u sheegeynaa walaalahayo oo ka sii qaylinayey Cududa WADDANI waxaan leyahay waan tartamayana waxaan idin sheegeyaa waxaa inaga dhaxeeyaa waa shacabka shacabkana Xoog laguma kaxaysan karo ee waxaa loo soo bandhigayaa wax qabadka loo balan qaadayo markaa walaalayaa waxaaynu nahay Muwaadiniin xaq wada leh in ay si xor iyo xalaal ah ay u tartamaan laakiin si sharciga waafaqsan ayaan u kal baxaynyaa ,Somaliland way is garayanaya deegaanka manta Jumhuuriga waxaa uu kamid yahay deegaanada ugu dadka badan waxaanu soo kordhiyaa Cudud lixaad leh walaalayaal soo dhawaada waxa aynu samaynayaa waa Xusbi Qaran oo Sumadiisu tahay Somaliland dadkuna way uwada siman yihiin wan soo dhawaynayaa dhamaan dadka taageerayaasha ah ee ku jira Urur Siyaasadeedka JAMHUURIGA waxaanan leeyahay Maanta laga bilaabo waxaad tihiin WADDANI waan soo dhawaynayaa intaasi waxaa ii raaca dardaaran waxaanan leeyahay Hantida Somaliland ugu wayni waa nabada in nabada la ilaaliya waa in aynu musharaxiinteena kula dardaarnaa in ay ilaaliyaan nabada waa in ciiidamada amaanka la shaqeyanaa qofkasta xil ayaa ka soo waa in uu nabada ilaaliyaa oo waan in uu qof waliba feejignadaaa “Waxaa kale oo iyagu Munaasibadani goob joog ka ahaa Madaxdii ugu saraysay eexusbigii UDUB ee bah wadaagta la noqday Ururka WADDANI waxaan xubnahaasi ka Mid ahaa Musharaxii Madaxwaynaha Md Cali Maxamed Cabdilaahi Warancade Ku Xigeenkiisa Axmed Xaaji Daahir Danjire Axmed Cigaal.

Dhinaca kale waxaa iyagu maanta ku soo biiray Ururka WADDANI Xubno dhowr ah oo ka mid yihiin Danjire Cumar Xaaji Maxamed (Cumar Dheere).

Axmed Cali Qaasaali oo ah Gudoomiye Ku Xigeenkii Islamic Development Bank ee Jide,Kayse Xuseen Xirsi Iyo Idiris Garow Diiriye oo qurbo joog dalka debediisa ka yimid isla markaana ku soo biiray Isbahaysiga Ururka WADDANI.

Somaliland.Org/Hargeysa