Shaqo ka fadhiisi iyo mudaharaadyo carqaladeeyey gaadiidkii Yurub iyo isku socodkii.

Rakaabkii dhinaca diyaaradaha ayey ku timid dhib, kabacdi markii UK diyaaradahooddu baajiyeen duulimaadyo sababtoo ah mudahaardyo iyo shaqo ka fadhiisi lagaga soo horjeeddo dhaqaalaha xumaaday ee aduunka, cashuur kordhinta iyo miisaaniyadda oo aad loo dhimay wadamo badan.

Shirkadda diyaaradaha ee loo yaqaanno British Airways ayaa baajisay ilaa 8 duulimaad oo kala ahaa London, Madrid iyo Barcelona iyo weliba laba duulimaad oo ka soo laabanaayey Lisbon, Portugal. Easy-Jet ayaa iyaduna baajisay adeegyo ahaa UK-Spain iyo weliba in ka badan 20 duulimaadyo Yuruba, qaar kale oo iyaguna ah duulimaadyadda Shirkadda Easy-Jet ayaa dib u dhac aad u darani ku yimid, kuwaasi oo ahaa Thessalonaki ,Greece ilaa London oo ilaa dib u dhac sadex saacadood iyo 40 minidda ah.

Shaqo ka fadhiisigan iyo mudaharaadyadda Spain,Greece, Portugal iyo Talyaaniga ayaa loo qorsheeyey qayb ka noqoshadda maalmo ficil iyo mudaharaadyo ay ku muujinayaan, Midowga Yurub ayaa iyagana laga filayaa Belgium, Germany, France, UK iyo wadamo Yurubta bari ka midda inay qayb ka noqdaan isu soo baxan iyo shaqo ka fadhiisigan caalamiggaa.

Arintu si kasta ha ahaatee dhaqaalaha xumaanaaya ee Qaaradan Yurub iyo aduunka oo dhan ayaa ka dhigaya xaaladda aduunka mid maalinba maalinta ka danbeysa dhibaato iyo werwer horleh ku abuuraysa bulshadda caalamka, arintan oo madax xanuunkeeddu yurub aad uga jiri doonno in muddaa.

A. A. Hassan

Somaliland.org news desk