“Rag baa ka sii Qaylinaya Doorashada waxa laga sii sheegayaa Nabadgalyo jiri mayso”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa ugu baaqay taageerayaasha xisbiga KULMIYE inay ilaaliyaan nabadgelyada.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sheegay inay doorashada deegaanka ka dardaar warinayaan inay si nabadgalyo ah u dhacdo qaar ka mid ah ururada siyaasada.

Guddoomiya ku xigeenka kowaad ee KULMIYE waxa uu sidan ka sheegay mar uu maata ka hadlayay madal ay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeisa ku muujinayeen taageerada ay u hayaan musharixiintiisa.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxa inagu waajiba dhamaan KULMIYE mudada doorashada ka hadhay iyo maalinta doorashada iyo inta ka dambaysa waxaynu ilaalinaynaa dadka kale ee aynu tartamayno xisbiyada kale.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Rag baa sii qaylinaya doorashada waxbaa laga sii sheegayaa nabadgal jiri mayso ayaa la leeyahay. Ninkii samaynayaa isagay jirtaa inay waxa laynagu og yahay nabadgalyo. Waynu tartamaynaa KULMIYEna bari hore waynu dhacnay dadka ayuun baynu ka mid noqonay haddii laynaga badiyana waa caadi. Hadaynu badinana waa caadi.”

“Cidna u dardaar warin mayno cidina inoo dardaar warin mayso. Qarankan hawl badan ayaa soo gashay asaaskiisu waa nabadgalyo. Waxaad ilaalinaysaan waa nabadgalyada,” ayuu yidhi.