Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga ka jaray Mashaariic laga fuliyay Boorame

Dadweynaha Boorame oo soo dhawaynta Madaxweynaha ku muujiyay baaxadda taageeradda ay u hayaan

Boorame (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, waxaana waddooyinka iskugu soo baxay soo dhawayntiisa kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi, kuwaasi oo u muujiyay siday ugu niyadsan yihiin madaxweynaha.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu xadhiga ka jaray dhismaha waddo laami ah oo 6km ah oo isku xidhaysa Dilla iyo Boorame oo xukuumaddu bixisay dhaqaalaha ku baxay isla markaana ay fulisay Gudida horumarinta wadooyinka ee gobolada Awdal iyo Salel.
Waxa kale oo uu madaxweynuhu uu dhagax-dhigay dayactir balaadhan oo lagu samaynayo Guriga Martida ee magaaladda Boorame. Waxa kale oo uu xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay kastamka Boorame.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa uu xadhiga ka jaray laba waddo oo isku xidha xaafadaha magaalada Boorame oo ay iska kaashadeen fulintooda Dawladda hoose iyo dadweynaha Boorame.

“Waxaan idiinka mahad celinayaa sida diiran sida wanaagsan ee aad iigu soo dhawayseen gobolka Awdal, waxaan idiin caddaynayaa inaanu dawlad ahaan diyaar u nahay wixii danta iyo horumarinta dalku ku jirto,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Madaxweynuhu wuxuu intaasi ku daray, “Waxaanu diyaar u nahay wixii gobolka waxtarkiisa iyo horumarintiisa ah. Haddii ay waddooyinka tahay iyo dhinac walba inaanu wax ka qabano oo meel ka soo wada jeedsano oo gacmaha is qabsano oo dalkeena horumarintiisa iyo midayntiisa ka wada shaqayno.”

Madaxweynaha waxa socdaalkiisa gobolka Awdal waxa ku wehelinaya marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirrada Madaxtooyadda, Maaliyadda, Hawlaha Guud, Kalluumaysiga, Warshadaha, shaqada iyo arrimaha bulshadda, Beeraha, Waxbarashadda, Wasiir Ku xigeenada Warfaafinta iyo Waxbarashadda.

Waa markii sadexaad ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu socdaal ku tago Boorame labadii sano iyo dheeraadkii uu hayay Hoggaanka dalka.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com