UCID Oo Banaan-baxyo waaweyn ku dhigay Magaalooyinka Boorame Iyo Wajaalle

(Somaliland.Org):-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa cuddudiisa taageero ee uu ka haysto Gobolka Awdal Iyo degmada Wajaale ee Gobolka Gabiley maanta ku soo bandhigay maalintiisii sadexaad ee ololaha doorashada deegaanka.

Dhoola-tuskan UCID-da cusub ku soo bandhigay taageerada uu ka heysto Gobolka Awdal ayaa ahaa wareegi 3aad ee ololaha tartanka doorashada Golayaasha deegaanka, kaas oo ka duwanaa kuwii hore, kadib markii murrashaxa madaxweynanimada UCID-da cusub Jamaal Cali Xuseen oo ay wehelinayaan kumanaan ka mida taageerayaasha Xisbiga oo ay hor-kacayaan murrashixiinta Golaha deegaanka degmada Boorame ay lugeeyeen waddada hal-bowlaha qiyaas ahaan hal kilomitir iyo badh ah, iyada oo ugu danbeyntiina ay la isugu yimid Huteelka Maana Guest House ee Magaalada Boorame.

Wareegan 3aad ee ololaha tartanka doorashada Golayaasha deegaanka ee Xisbiga UCID ayaa waxa ka soo qeybgalay Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen,guddoomiye kuxigeenka 3aad ee Xisbiga Cali Gurey,maamulka Gobolka ee Xisbiga, kumanaan ka mida taageerayaasha Xisbiga UCID, haween,dhalinyaro,Odayaal,Siyaasiyiin uu ka mid yahay Maxamed Jaamac Abgal,kuwaas oo dhamaantood-ba sitey sawirada murrashixiinta Golaha deegaanka iyo heesaha loo sameeyey Xisbiga.

Murrashaxa madaxweynanimada UCID-da cusub Jamaal Cali Xuseen oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey taageerayaasha Xisbiga UCID ee Gobolka Awdal, waxaanu yidhi “Maanta sharaf ayey noo tahay aniga iyo Weftiga madaxda sar-sare ee Xisbiga UCID inaanu kala qeybgalno qaar ka mida murrashixiinta Golaha deegaanka uga sharaxan Gobolka Boorame.Maanta maaha taageerayasha murrashixiinta Gobolka Boorame oo dhan waxaynu ognahay murrashixiinta Gobolka Boorame baddankoodii waxay ku maqan-yihiin deegaamadagobolka Boorame ku xeeran.”

“Waxaan aad ugu mahad-naqayaa murrashixiinta Golaha deegaanka uga sharaxan Gobolka Awdal oo bulshada tusay sumcada ay ku leeyihiin,Xisbigana tusay inay guul u soo hoynayaan taageerayaashooda aad ayaan ugu manadnaqaynaa, waxaanan idiin sheegayaa inay maanta isa-saran yihiin Xisbiga iyo Murrashaxa waxaanan idinka codsanayaa inaad codkiina siisaan murrashixiinta ka sharaxan Xisbiga UCID”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Mar uu Jamaal wuxuu xusay in xukuumadan lagu tijaabinayo siday doorashadani dalka uga dhacdo, waxaanu yidhi “Xukuumada Somaliland maanta ka talisa waxa lagu tijaabinayaa doorashadeedii ugu horeysay sida ay u qabtaan oo Xisbigii UDUB waynu ogayn oo sadex doorasho ayey qabteen oo si cadaalad ah ayey u dhacday oo dhibaato kama dhicin. maanta Xeer No14aad Cadaalad maaha waxa la wadaa cadaalad ma aha.”

“Waxaan u arkaa imika inay jiraan laba Komiishan oo kala ah Komishankii doorashada qaranka ee sida wanaagsan uga soo baxay doorashooyinkii hore waxa kale oo imika barbar-cararaaya guddidii diwaangelinta ururada oo ahayd inay diwaangeliyaan ururada, laakin imika dib loo soo bilaabay garan-maayo meesha ay ka soo galayaan, laakin waxa annaga noo qoolan komiishanka oo aanu cadaalad ka sugayna, Ciidamada ayaanu cadaalad ka sugaynaa, umadda ayaanu cadaalad ka sugaynaa”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Guddoomiye kuxigeenka 3aad ee Xisbiga UCID Cali Gurey oo halkaasi ka hadlay ayaawaxa uu yidhi“Waxaynu gaadhnay ama kaabiga ina soo saarey wakhtigii aynu dhameystireynay ololaha tartanka doorashada Golayaasha deegaanka haddii Alle yidhaahdo waxa ay noqonaysa maalintii inoogu danbeysay Salaasada soo socota olole aynu isugu soo baxno.

Dhoola-tuskii wuu dhamaanayaa oo waxa la galayaa run tuskii,sacab iyo durbaan way joogsanayaan cod, sanduuq iyo Warqad ayaa la galayaa,waxa lagu xamanayaa Ururada iyo Xisbiyada tayada murrashixiinta aanu Gobolada iyo degmooyinka ka soo sharaxnay ayaa la dhaliilayaa, waxaan ogahay kuwaa la dhaliilayo inaanay ku jirin kuwa ka sharaxan Boorame rag wada mutacalimiina oo danaynaya dalkooda iyo dadkooda ayey u badan yihiin insha Allaahu way soo bixi doonaan, idinkuna (Taageerayaasha) waa inaad codkiina siisaan oo ha yeelanina qof maalinta maqnaada ama hawlyeesha codka kaliyi wax ayuu anfacayaa, Waar sow codkiina UCID siinmaysana? HAA HAA…HAA,Waar sow codkiina ku tashan-maysaan? iyaguna waxay idiin balanqaadayaan inay Boorame wax baddan ka qabanayaan.”

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mida murrashixiinta Golayaasha deegaanka ee Xisbiga UCID iyo qaar ka mida odayaasha degmada Boorame oo madashaasi ka cadeeyey cudduda taageero ee uu Xisbigu ku haysto Gobolka Awdal.

Somaliland.Org/Hargeysa