Maxkamadda Ciidamadda oo dil ku xukumay askari sarkaal ku dilay Qori-lugud

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa xukun dil ah ku riday Xasan Yaasiin Muuse Jaamac oo ka tirsan Ciidanka Qaranka. Ka dib markii lagu helay inuu 4-tii bishan degmadda Qori-lugud ku dilay sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka.

Fadhi ay yeelatay Maxkamadda sare ee ciidanka Qaranka Somaliland ayaa waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah gacan ku dhiigle Askari Ciidan Qaranka ka mid ahaa Xasan Yaasiin Muuse Jaamac oo 43 jir ah ka dib markii ay ku cadaatay inuu dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidanka qaranka oo la odhan jiray Marxuum Siciid Diiriye Aare, Dilkaas oo afartii Bishan ka dhacay xerada ciidanka qaranka ee Degmada Qorulugud ee Gobolka Buuhoodle.

Maxkamaddu waxay xukunkeeda u cuskatay Aayadda 179-aad ee Suuratul baqara ee Quraanka Kariimka ah iyo qodobada kala ah 195 xeerka ciqaabta ciidamada ee xiliga nabadda iyo qodobka 434 ee xeerka ciqaabta guud.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa