Hanti-dhawrka Oo Ka jawaabay Maqaallo uu Wasiirkii hore warfaafintu ku duray

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Agaasimaha waaxda baadhista ee hantidhawrka guud ee qaranka Somaliland Cali Maxamed Axmed ayaa maanta ka jawaabay maqaallo uu ka qoray hantidhawr guud wasiirkii hore wasaaradda warfaafinta Cabdkiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), kuwaas oo uu sheegay inay yihiin kuwo xaqiiqada ka fog oo aan sal iyo raadtoona lahayn.

Agaasimaha waaxda baadhista ee hantidhawrka guud oo maanta u waramayay qaar kamid ah saxaafadda, waxa uu iftiimayay ujeedooyinka loo sameeyey xafiiska hantidhawrka guud ee qaranka Somaliland, waxaanu tilmaamay in loo sameeyey ilaalinta hantida qaranka.

“Waxa muuqata in xafiiskani yahay xafiis ay dadku leeyihiin, waxa kale oo aan doonayaa in aan xaqaa’iqa u sheego ummada ujeedada xafiiskan loo unkay ama loo abuuray inay tahay ilaalinta hantidhawrka qaranka. Waxa kale oo cad in baadhis wali ka socoto wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta baadhistaas oo muddo soo bilaabantay, wakhtiga baadhista oo dheer waxaan jecelahay inaan ka cudur daarto waxaan baadhnaa oo aanu raadinaa xaqaa’iqa dhaba oo leh waraaqo marag muujin u ah oo meelna looga baydhi karin,”ayuu yidhi Cali Maxamed Axmed.

Agaasimaha waaxda baadhista hantidhawrka guud, waxa kale oo uu tilmaamay anshaxa xafiiskaa hantidhawrka guud iyo dhawrsanaanta.

“Xafiiskani maaha mid sheega hebel baa sidaa yidhi hebelna intaasuu qabaa waa mid gun gaadhkiisii ku fooraro inuu caddaalada horgeeyo wixii uu hayo waxaan leeyahay halku dhig Soomaaliyeed baa yidhaa fiintu waxay ka sii oydaa roobka soo socda, waxaan filayaa haddaan wasiirku ka sii oyayn baadhistan ujeedooyin gal dacwadoodo xafiiskani uu qoro uu kaga hadlayo siduu wax u soo baadho, inuu ku tilmaamo gumaystihii Ingiriiska waxa kale oo ka muuqda maqaalka ereyga la yidhaahdo taar oo uu leeyahay xilligii gumaystihii ayaa laysku diri jiray in xeerarka qarankan u yaala uu ka mid yahay qodob ka mida loo cuskado, marka taar la qorayo.” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Somaliland.Org/Hargeysa