Agaasime loo magacaabay TV-ga Qaranka ee Yurub

Hargeysa (Somaliland.Org)- Agaasimaha Telefishanka qaranka Khadar Xasan Cali Gaas, ayaa Cabdiraxmaan Maxamed Aadan Dheri u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Telefiishanka Qaranka ee Yurub.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu Maareeyaha Guud ee TV-gu soo saaray waxaanay u dhignayd sidan:-

‘Markaanu aragnay aqoonta, kartida iyo khibrada uu u leeyahay hawsha ee aanu la tashiyo la samaynay dhinacyo kale duwan, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 11, November, 2012, waxaanu u magacawnay Cabdiraxmaan MaxamedAadan Dheri inuu noqdo Agaasimaha Telefiishanka Qaranka ee Yurub.

Waxaanu Illaahay kaaga rajaynayaa inuu xilkaa balaadhan kuu fududeeyo.”