‘Xeerkani waa mid uu Cirro Samaystay, Anaguna waxba kama bedeli karo’ Ismaaciil Yare

‘Gudiga Diiwaan Gelintu Xeer Ma Sameeyaan’
Ibraahin Buubaa
“N0.14 Ayay Ku Cadahay siday u kala Hadhayaan Axsaabtu” Jaamac Shabeel

Hargaysa (Somaliland.Org)- Ururrada iyo xisbiyada siyaasadda Somaliland ayaa aragti kala duwan ka bixiyay Qoraal ay soo saareen gudidda diiwaan-galinta ururradda siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada Qaranka oo ay kaga hadlayeen qaabka lagu kala reebayo ama ay ku kala baxayaan Axsaabtu ee ay sadexda xisbi Qaran ku soo baxayaan.

Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Shabeel) oo aanu waydiinay aragtida xisbigooda waxa uu yidhi “Siday ururraddu ku kala baxayaan waxay ku cadahay xeer N0:14. Xeerkaasna xisbiyada komishanka iyo ururaduba way wada saxeexeen. waanan ku qanacsan nahay haddii uu xeerkaas yahay laakiin gudiga diiwaan-galintu kaa mid aan ahayn ma keeni karaan.”

Sidoo kale, Afhayeenka urur-siyaasadeedka WADDANI xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa isaguna xeerkan kaga dareen celiyay oo yidhi “Horta gudida diiwaan-galintu xeer ma sameeyaan awoodna uma laha xeer dejina maaha, laakiin haddii ay soo bandhigeen xeer 14 waanu ku qanacsanay waanan soo dhawaynaynaa.”

“Xeerkani waa mid uu samaystay Cirro oo uu baarlamaankuna u ansixiyay, laakiin waxay noqotay laba mid inaanu yeelo oo aanu diidno oo aanu doorashada ka hadhno iyo inaanu aqbalo oo aanu sidaa kaga qayb gallo doorashada,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka DALSAN Ismaaciil Aadan Cismaan oo xalay khadka Telefoonka ugu waramayay wargeyska DAWAN.

Guddoomiyaha DALSAN oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaanu qaadanay inaanu aqbalo oo aanu sidaa doorashada kaga qayb gallo, anaguna xeerka waxba kama bedali karno, waana waxaanu ku qasban nahay oo aanu aqbalay waanan saxeexnay waanan u hoggaansamaynaa.”

Waxaa kaloo aanu isku daynay inaanu dareenkooda wax ka waydiino madaxda ururada RAYS, UMMADA, XAQSOOR.iyo xisbiga UCID laakiin noomay suurto-galin inaanu masuuliyiintaa ku helo khadka Telefoonka kadib markii qaarkoodna ay Telefoonadooda gacantu xidhnaayeen, qaarna naga qaban waayeen.

Xigasho; Wargeyska DAWAN