Somaliland:Wasiirka Warfaafinta oo la wareegay Waaxda Dhaqanka

Hargeysa, (Somaliland.Org)Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, ayaa si rasmi ah shalay ula wareegay waaxdii Dhaqanka ee hore uga tirsanayd Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo dhawaan Madaxweynuhu hoos geeyay Wasaaraddaas.

Musnaasibada labada wasaaradood kula kala wareegayeen waaxda Dhaqanka ayaa shalay lagu
qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ,Wacyigelinta iyo Dhaqanka Abiib Diiriye Nuur (Timacad),Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, Agaasimaha waaxda Dhaqanka Cabdi Maxamed Jaamac, Abwaanno iyo Fanaaniin ka tirsan waaxdaas.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, oo ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku wareejinayo wasaarada warfaafinta sideetan iyo afar qof oo shaqaalaha waaxda dhaqanka ah oo isugu jira maamul, abwaanno, fanaaniin iyo darawaliin, waxaanu sheegay wasiirku inuu ku faraxsan yahay inuu waaxda dhaqanka ku wareejiyo halkii ugu haboonayd ee howlahooda ay ku gudan lahaayeen oo ah wasaaradda warfaafinta, waxaanu tilmaamay fanaaniintu inay yihiin astaan qarankan calaamad lagu garto, sharaf iyo amaanna ay mudan yihiin.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka Abiib Diiriye Nuur (Timacad) ayaa isna sheegay in fanaaniintu ka soo qayb qaateen halgankii hore iyo kii dambeba, waxaanu tilmaamay inay xuquuq badan ku leeyihiin dalka, waxaanu wasiirku balan qaaday inuu dedaal u gali doono sidii sharafkii iyo karaamadii ay lahaayeen fanaaniintu uu u soo celin lahaa.
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde iyo Abwaan Cali Caabeeye Diiriye, waxaanay sheegeen inay
ku faraxsan yihiin in waaxdooda ay ku soo wareegaan wasaarada warfaafinta iyo wacyigalinta.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com