Madbacadda Qaranka Oo La soo degtay agab ay lix bilood ku shaqayn doonto

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maareeyaha Madbacada Qaranka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray) ayaa ka warbixiyay habsami u socodka hawlaha Madbacada Qaranka, isagoo ka hadlay agab ay u keeneen madbacadda sannadkan markii labaad.

Maareeyaha oo maanta xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta, waxa uu sheegay inay kordhiyeen, isla markaana muddooyinkii u dambeeyay ay horumar ku tallaabsatay madbacaddu, waxaanu tilmaamay inay maanta keeneen koontiinar ka kooban ay madbacaddu hawlaheeda ku qabato, taasoo uu xusay inay madbacaddu ku hawlgali doonto muddo lix bilood ah.

Maareeyaha Madbacadda Qaranka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray) waxa uu dacaayad ku tilmaamay warar lagu qoray shabakadaha wararka qaarkood.


“Madbacadda Qaranku waxay maanta gaadhay heer ay daabici karto wax kasta, bulshada waxaan leeyahay sidaas ha ula socdaan oo ha u ogaadaan.” Ayuu yidhi Maareeyuhu.

Agaasimaha Farsamada Madbacadda Qaranka Muuse Haybe Yuusuf iyo Agaasimaha Shaqaalaha Cumar Xasan Nuur, ayaa iyaguna dhankooda ka warramay horumarka ay ku tallaabsatay Madbacaddu. waxaanay meesha ka saareen, isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaameen qoraalo lagu baahiyay shabakadaha qaarkood kuwaasi oo ku saabsanaa in Maareeyuhu tacadi ku sameeyo shaqaalihiisa.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com