Wasiir Ku xigeenka Amniga oo Kulan La yeeshay Cuqaasha Gobolka Maroodi-jeex

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee wasaarada Arrimasha gudaha Somaliland Md. Cabdillahi Abokor Cismaan oo ay weheliyaan ku simaha Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Rashiid Axmed Maxamed iyo masuuliyiin ka tirsan wasaarada arrimaha Gudaha ayaa maanta kulan la yeeshay Cuqaasha Gobolka Maroodi.

Kulankan oo ku saabsanaa sidii ay Cuqaashu dhex uga noqon lahaayeen arimaha doorashooyinka degaanka ee dalka ka qabsoomi doona.Ku simaha Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in waqtigan lagu jiro xilli Xasaasi ah,oo doorashooyinkii degaanku ay dalka ka dhacayaan.sidaasi daraadeena cuqaasha looga baahan yahay inay door-kooda ka qaataan oo ay dhex u noqdaan ururada iyo xisbiyadda.

Waxa kale oo uu xusay in cuqaashu ay yihiin shaqaale dawladeed oo ay shaqaalaha kale kala siman yihiin tartanada doorashooyinka, balse ay dheer yihiin Cuqaashu arimaha nabadaynta iyo isu soo dhoweynta ummadda.waxaanuu cuqaasha u soo jeediyey in ay sii xoojiyaan doorkooda adkauynta nabad-gelyada ee ay horeba uga shaqaynayeen.

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaarada arrimaha Gudaha C/Samad Cumar Maal, iyo Xoghayaha gobolka Maroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi, waxaanay halkaasi cuqaasha uga soo jeediyeen dardaaran ay kula dardaarmeen inay muujiyaan doorkoodii dhaqameed ee ay kuy lahaayeen bul-shada dhex-deeda.

Wasiir ku-xigeenka ee wasaaradda arimaha gudaha C/laahi abokor Cismaan, oo soo geba- gebeeyay kulankaasi ayaa sheegay in ay u qorshaysan tahay sidii ay u tayey lahaayeen cuqaasha gobolku.

Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com