Agabka Codeynta Doorashadda Deegaanka oo Dalka soo gaadhay

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Waraaqihii codbixinta doorashada deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 28-ka November ayaa maanta dalka soo gaadhay.

Cabdiraxmaan Maxamed Dixood oo ka mid ah xubnaha guddida doorashooyinka oo saxaafada kula hadlay madaarka magaalada Berbera, ayaa waxa uu sheegay in madaarka Berbera ay soo gaadheen waraaqihii codbixintu. Waxa kale oo uu tilmaamay inay soo socdaan qalab uu leeyahay Komishanku oo ay ka mid yihiin khadkii farta iyo sanaaduuq dheeraada oo loogu talogalay hawlaha doorashada haddii loo baahdo.

Cabdiraxmaan Maxamed Dixood waxa uu xusay xubnaha Komishanku ku mashquulsanayeen sidii loo soo samayn lahaa waraaqihii codbixin iyo sanaaduuqdii.

Cabdiraxmaan Maxamed Dixood, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi. “Halkan sidaad ku arkaysaan agabkii doorashooyinka qaar ka mid ah oo ka soo degaya waxa ugu muhiimsan waraaqihii codbixinta. Wiigagii ugu dambeeyey Komishanka Doorashooyinku wuxuu ku mashquulsanaa sidii loo soo samayn lahaa waraaqaha sidii loo dalban lahaa agabkii ay ka mid ahaayeen sanaaduuqdii ay ka mid ahaayeen khadkii oo wiigan soo socda waxaan filayaa inay soo dhamaystirmaan soo gaadhaan guddida doorashooyinka, waxaanan rajaynayaa inay si dhakhso Hargeysa u soo gaadhaan.”

Waa markii labaad ee qalabka doorashooyinku uga soo dego guddida doorashooyinka madaarka magaalada Berbera tan iyo toddobaadkii hore.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com