Xisbiga UCID Oo Magacaabay Gudooniye Cusub u magacaabay Tog-dheer

Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, kadib markii uu la tashi la sameeyay Guddida Fulinta ee Gobolka Togdheer iyo Gudoomiyaha Xisbiga, waxa uu u magacaabay maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/11/2012 in uu noqdo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Togdheer Mudane Baashe Shaakir Cabdillaahi, kadib markii uu cudur daartay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Togdheer hawlo shakhsiya awgeed.

Sidaa awgeed dhamaan waxa lala socodsiinayaa Garabada Dhalinyarada, Haweenka, Heer Qaran, Heer Gobol iyo Degmo-ba in ay u fududeeyaan hawlihiisa shaqo, si uu Xil-gudashadiisa maamul u hanto.
ALLA MAHAD LEH
Xoghayaha Guud ee Xisbiga
Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse)