Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo u kicitimay dalka Kenya

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo ay ku weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale iyo xubno kale oo Dawlada ka tirsan ayaa maanta ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha ee Berbera iyaga oo u sii jeeda Caasimada Dalka Kenya ee Nayroobi, waxaanay ku sii hakan doonaan Caasimada Ethiopia ee Adisababa.

Weftiga waxa la filayaa inay ka qayb gali doonaan Shirar la xidhiidha amniga iyo Siyaasada Mandaqada Geeska Afrika. Mudada ay joogaan waftigu Magaalada Nayroobi waxay la kulmi doonaan Masuuliyiin ka tirsan Dawlada Kenya iyo Diplomaasiyiinta Shisheeye ee Fadhigoodu yahay Magaalada Nayroobi.

Hawlahan waxay qayb ka yihiin sii adkaynta Xidhiidhka iyo wada-shaqayntooda Somaliland iyo wadamada jaarka.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com