WADDANI oo oo Dhoolo-tus balaadhan ku soo bandhigay Magaalooyinka Boorama, Wajaale Iyo Gabiley

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wefti baalaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka WADDANI ayaa saaka Hiirtii oroornimo u kicitimay gobolada galbeedka Somaliland.

Weftigani oo ay ku helelinayeen socdaalka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada isla markaana ah hogaamiyaha Ururka WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) Xubno uu ka mid yahay Wasiirkii Hore ee Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland ahna Musharaxii madaxwaynaha ee Xisbigii hadhay ee UDUB iyo Ku xigeenkiisa Axmed Xaaji Daahir iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Madaxda Ururka.

Ugu horayn waxaa gudoomiyuhu Socdaalkii sa ku bilaabay Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal iyada Duleedka magaalada Boorame si Diirin loogu soo dhaweeyey Weftigani waxaan soo dhawayya hormuud ka ahaa Madaxda Gobolka ee Ururka WADDANI oo uu horkacayo Guddoomiye ku xigeenka Ururka Md Axmed Muumin Seed Dr Buuxane oo ah Gudoomiye k u xigeenkii Urur Siyaasadeedkii BADBAADO oo bahwadaag la noqday Urur Siyaasadeedka WADDANI oo ay ku midoobeen Tiro Ururo iyo Xusbiyo ah oo kamida kuwii hadhay ee aan u soo bixin Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka .

Kumanan ka mida Taageerayaasha Ururka WADDANI ayaa saaka isgu soo baxay Wadooyinka waa wayn ee Magaalada Boorame kuwaasi oo muujinayey taageerada ay u hayaan sidoo kale Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ku wehelinaya safarkani oo uu ka mid yahay Cali Maxamed Cabdilaahi (Warancade) ayaa lug ku soo maray wadada wayn ee halbaha u ah Magaalada Boorame iyada faraxada iyo damaashaadka la qaybsanayaa taageerayaashooda buux dhaafiyey Gudaha Magaalada Boorame.

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka WADDANI waxaa uu taageeryaashi kula hadlay Baxda wayn ee MAANI GAS HOOSE halkaasi oo uu taageerayaasha uga mahad celiyey sida wacan ee ay u soo dhaweeyey kuna dhiiri geliyey in ay Taageerada halkaasi ka sii laban laabaan isaga oo gudoomiyuhu u cadeeyey taageerayaasha Ururka WADDAN I ee ku dhaqan Maagalada Boorame in aan Ururka WADDANi uu yahay Urur loo siman yahay islamarkaana aan qofna qofka kale ka sheegin karin taasina ay muujinayso taageerada uu ku leeyahay Guud ahaanba Dalka .

Waxaa isna hadlkaasi kala hadlay taageerayaasha Ururka WADDANI Gudoomiye ku xigeenka Ururka Md Axmed Muumin Seed oo ugu horayn dadwaynaha ugu mahad celiyey soo dhawaynta iyo taageeerada ay la garab taagan yihiin waxaanu taageerayaasha kula dardaarmay sidii in ay soo saaraan si hagar la,aana ugu codeeyaan Musharxiinta ka sharaxan Degamda Boorame .

Waxaa kale oo masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ka mid ahaa Ku Xigeenkii Jagada Madaxwayanah ee Xusbigii Udub Axmed Xaaji Daahir iyo Dr Buuxane oo dhamaandood dadka reer boorame ku dardaarmay in ay u codeeyeen musharaxiinta ururka wadani

Kadib waxay weftigu u ambo baxeen abaara barqadii Magaalo Ganacasiyeeda Tag wajaale halkaasi oo ay dadwayne aad u tiro badan ku soo dhaweeyeen Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka WADDANI iyo Weftigiisa ,Md Ciro oo meel fagaare ah kula hadlay Taageerayasaha Tog Wajaale ayaa ugu mahad celiyey sida ay isgu soo baxeen una muujiyeen taageerada ay u hayaan Ururka WADDANI iyo Mashiirxiintiisaba waxaana hadladiisii ka mid ahaa “aad baan idinku mahad naqayaa sida wacan ee aad isugu soo baxdeen magaalada wajaale waa magaalo Somaliland Qiime wayn ugu fadhida dhinaca ganacsiga waxaana ka muuqda magaalad cowl cowliin yar insh allah hadii aad Ururka WADDANI u codaysaan oo uu talada Dalka ku guulaysto Cowl Cowliinka Magaalada ka muuqta insh aallah waa uu ka biindoona “

Intaasi ka dib waxaa ay Weftigu u soo dheemaaleen Magaalada Gebilay , markii ay soo Madaxda Ururka WADDANI soo gaadheen Gudaha Magaalada Gebilay waxaa ay kala kulmeen soo dhawayn aan lagu suurayn karayn muuqaalka ay lahayd qoraal oo la odhan caruur iyo ciroole looma kala hadhin ,iyada oo ay Wadooyinka Magaalada gebilay lug ugu soo mareen si wada jira Taageerayasha ay Maxda Ururka WADDANI oo uu hormuud ka yihiin Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) iyo Cali Maxamed Cabdilaahi (Warancade)

Siyaasi Cali Maxamed Warandace oo meel fagaare ilyartu is qabatay kala hadlay taageerayaasha ayaa ku amaanay dadka reerka Gebilay kaalinta qiimaha badan ee ay dalka kaga jiraan haday tahay dhinaca wax soo saarka iyo Tacliintaba waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “aad baan ugu mahadnaqayaa inamo iyo hablaba dadka reer gebilay waxaanan u sheegayaa in aan maanta halkan kula jogno bahwaynta Ururka WADDANI iyo UDUB oo cudooda mideeyey una mideeyey sidii ay dadka iyo dalkaba wax ugu qaban laheen oo cadaalad loogu dhiqilaha oo eex ,sadbursi iyo nin jeclaysi ka fog waxaa jirtay hablo reer gebilay ah oo warbaahinta qoraal ku qoray yidhi fartii aan KULMIYE ugu codaynay waanu iska jaraya aniga oo og quruxda hablaha reer gebilay waxaanu samaynay xusbi hadii ay u codeeyaan aanay faradambe iska jaray markaa si farahuna u nabad la jarayaana u nabad gaalan waxaan leeyahay dadka reer gebilay waa in ay Ururka WADDANI u codeeyaan “ayuu ku soo koobay hadalkiisii Wasiirkii hore ee Duulista iyo Hawada Md Cali Maxamed Warancade.

Waxaa kale oo isna dadka la hadlay Xogyaha Guud Ee Ururka WADDANI Md Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo ku dhiiri geliyey dadka in ay u cadeeyaan musharxiinta ka sharaxan Ururka WADDANI isaga oo sheegey in Ururks WADDANI uu yahay hadii uu talada dalka ku guulaysto midka gebilay ka dhigi doona caaasimad taasi oo ah tay dadka reer gebilay u baahan yihiin .

Gudoomiyaha Ururka WADDANI ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilad Somaliland Md Cabdiraxmaan Ciro oo isna dadka reer gebilay la hadlay ayaa ku amaanay Taageerada hiilka iyo hooba leh ee ay la garabtaagan yihiin waxaana hadladii ka mid ahaa sidatan “aad ayaan u salamayaa dadka halka sida quruxda badan ee farxada iyo rayn rayntu ka muuqato isugu soo baxay wiilal iyo gabdhaba waxaan idiin sheegayaa in Ururka WADDANI oo idin soo xulayd dadkii lagu tuhumayey Aqoonta iyo waxqabadka oo musharaxiin ka ah Ururka waxaan rajayanayaa in ay noqodaan kuwii gebilay hormarkeeda ka soo bixin lahaa rag iyo dumarba idinkana aad codkiina u siin lahaydeen walalayaal waxaan u baahanahay oo keliya in ilaahay gaabta dadka reer gebilay iyo Ururka WADDANI Mideyo oo isu furo”

Gabo gabadiina waxa ay Madaxda Ururka WADDANI iyo taageeryaasha oo la odhan karo waxaay ahaayeen dadkii gebilay ku noolaa oo aan cidi u kala hadhin lug dabaal deg ah ku mareen jidadka magaalada iyada oo aakhirikiin ay Wegtigu u soo galab caraabeen Caasimada Hargeysa.

Somaliland.Org/Hargeysa