Ururka WADDANI Oo Ololihiisii uga faa’iidaystay Xoolo ay u qeybiyeen Cisbitaalada iyo danyarta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Iyadoo Wareegii labaad ee Tartanka Ololaha Doorashada Golayaasha uu Gabo gabo yahay ayaa waxa Maanta Gobolada iyo Degmooyinka dalka dhoola tus ka sameeyay Urur Siyaasadeedka WADANI, iyagoo Ololahoodii u badalay Xoolo ay u qaybiyeen dadka Jilicsan.

Hoggaanka Sare ee Urur Siyaasadeedka WADDANI oo ay Weheliyaan Murashixiinta Shan iyo labaatanka ah ee uga qayb qaadanaysa Tartanka Doorashada ee Golaha deegaanka ee Caasimada Hargaysa iyo Taageerayaal aad u badan ayaa isugu tagay Huteelka Maroodi jeex ee bariga caasimada.

Afhayeenka Urur Siyaasadeedka WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in Urur Siyaasadeedka WADDANI isagoo tixgalinaya Go’aankii Komiishanka Doorashooyinka Qaranku soo saareen ee ay ku hakiyeen Fagaarayaasha magaalooyinka Waaweyn in laga sameeyo isu soo bax ay go’aansadeen Sidii ay Deeqo Xoolo ah ugu caawin lahaayeen bulshadda qeybaheeda Jilicsan. Waxaanu xusay inay 100 neef oo adhi ah u qeybiyeen caasimadda Hargeysa.

Kuwaasi oo ay kala Gudoonsiiyeen Cisbitaalka Dhimirka, Cisbitaalka Guud, Jeelka Weyn, Xarunta Agoomaha Xarunta Darbi Jiifka .

Sidoo kale Sh Maxamed Cali Geeddi oo ka mid ah Hoggaanka Sare ee Urur Siyaasadeedka WADDANI oo madashaas ka hadlay ayaa tilmaamay sida ay waajibka u tahay in mar walba wixii wanaag ah la isku guubaabiyo,waxaanu xusay in Ururka Wadani uu u taagan yahay wax u qabashada dadka Jilicsan,iyo sidii ay u heli lahaayeen cadaalad iyo sinaan dhab ah.

Waxaa kale oo Halkaasi ka hadlay Qaar ka mid ah Murashixiinta Urur Siyaasadeedka Wadani ee u taagan doorashada golaha deegaanka ee caasimada hargaysa.

Geesta kale Xildhibaan Xasan Cabdi Maxamud Xasan Xaydh oo ka tirsan Golaha deegaanka caasimada hargaysa isla markaana ah Murashax mar kale u taagan doorashada golaha deegaanka ee Urur Siyaasadeedka Wadani ayaa Taageerayaashiisa kula kulmay Xaafadaha Xawaadle,Sh,Cumar iyo Xaafada Ayaxa halkaasi oo si miisaan leh loogu soo dhaweeyay.

Dhinaca Kale Gudoomiyaha Golaha Wakiilada isla markaana ah Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa Taageerayaasha Ururka Waddani ee Magaalooyinka Gebilay,Tog Wajaale,Dila iyo Boorama waxay kala qayb galeen isu soo bax balaadhan oo ay cududooda ku soo bandhigayeen.

Somaliland.Org/Hargeysa