Ururka WADDANI oo Xoolo Nool Guddoon siiyay Cisbitaalka Burco

Burco (Somaliland.Org)-Urur siyaasadeedka WADANI ayaa xoolo tiradoodu dhantahay 36 -Neef oo adhi ah iyo maryo ugu deeqay dadka bukaanjiifka ah ee yaala Cusbitaalka magaalada Burco iyo maxaabiista ku xidhan Jeelkaasi.

Urur siyaasadeedka WADANI oo isagu maanta u lahaa tartanka ololaha doorashadda golaha deegaanka ayaa u bedelay deeqdan kala duwan ee uu gaadhsiiyay xarumaha dadkan jilicsan ee Burco iyo waliba magaalooyinka kale ee Somaliland.

Masuuliyiinta ururka WADANI ee gobolka Togdheer iyo musharixiintooda oo ka hadlay caawimaddan ay gaadhsiiyeen Cusbitaaladda Burco ,xarunta jeelka ayaa sheegay ololahoodii maanta in ay u badeleen gargaarkan ay gaadhsiiyeen dadkan jilicsan ,waxaanu intaasi ku dareen ururkooda in ay ka go’antahay in la caawiyo dadka jilicsan ee reer Somaliland .

” Waxaanu maanta halkan adhi tiradiisu dhantahay 36 neef aanu ku gudoonsiinaynaa cusbitaaladda Bukaankaanka ,waalida iyo maxaabiista Jeelka ,sidaas awgeed ururka WADANI waxa uu awooda saarayaa sidii loo daryeeli-lahaa dhamaan dadka jilicsan ee Somaliland ku dhaqan waxa kale oo iyana deeqdan aanu maanta bixinayno ka mid ah maryo aanu ugu talogalay in ay dadkan dhibani xidhaan sadaa awgeed waxaan idiin sheegayaa inkastoo ururka WADANI maanta ololaha u lahaa hadana waxa uu ku bedelay deeqdan ” Sidaasi waxa yidhi Guddoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI ee gobolka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd .

Maamulaha Jeelka weyn ee Burco Jaamac Baadi Cawad iyo isuduwaha Wasaaradda caafimaadka gobolka Togdheer Dr. Cabdiyaasiin oo labadooduba gudoomay caawimaddan la soo gaadhsiiyay ayaa uga mahadceliyay urur siyaasadeedka WADANI ,waxaaney ilaahay uga baryeen in uu ka jasaai siiyo ,waxaaney ururada kale ugu baaqeen in ay ku day’daan ururka WADANI oo ay taageeraan dadkan jilicsan.

Geesta kale urur siyaasadeedka WADANI ayaa xaflad soo dhaweyn ah u qabtay laba musharax oo ka soo degaro-gtay ururadda DALSAN iyo UCID kuwaasi oo ku biiray ururka WADANI isla markaana u tanaasulay musharaxiin beeshooda ka tirsan oo WADANI ka sharaxnaa .
Waxaana munaasibadaasi ka hadlay oo soo dhaweeyay musharixiinta Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiiladda ,Xuseen Kaahin ,Jaamac Sidiiq iyo Cali Tiidhii oo ka mid ahaa musharaxiinta WADANI waxaaney dhamaantood hoosta ka xariiqeen taageerada ay ku soo kordhiyeen ururkooda Labadan Musharax.

Labadan musharax ayaa kala ahaa Axmed Xaashi Dirir oo ka tirsanaa musharixiinta ururka DALSAN iyo Marwo Saynab Kacaan oo iyna ka mid ahayd musharixiinta UCID ee degmadda Burco.

Mudooyinkii u danbeeyay ayaa waxa ururka WADANI ku soo qulqulaayay musharaxiin ka soo degaroganaayay ururada siyaasada musharaxiintooda deegaanka gaa’ahaan degmadda Burco.

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco